Home Wararka Somaliya Galmudug Howlgal Culus oo Ka Dhan ah Ahlusana oo Ka bilowday Dhuusamreeb

Howlgal Culus oo Ka Dhan ah Ahlusana oo Ka bilowday Dhuusamreeb

0
 Magaalada Dhusamareb waxaa ka bilowday qabqabashada Dadkii Maalmo ka hor Deegaanka Bohol uga qaybgalay Xuskii Dadkii ku dhintay Dagaaladii Ahlusunna Sanado ka hor la gashay AS.
Ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugidda ayaa Baadi goob ugu jira Dad la tujunsan yahay inay Munaasabadaas Bohol uga soo Qaybgaleen waxaana jira Baaritaano dheeri ah oo Magaalada laga sameeyey.
Xuskaasi ka dhacay Bohol ayaa waxaa ka soo Muuqday Dad badan oo joogay Magaalooyinka Dhusamareb iyo Guri-ceel laamaha Amniga ayaana labada Magaalo ka bilaabay in Dadkaasi la soo qabto.
Marka laga soo tago in la dhigo Munaasabadaas oo Ahlusunna Sanad waliba qabato hadana waxa ay Xambaarsaneed Fariin Dagaal oo Ahlusunna halkaasi ka soo diraysay waxa ayna soo bandhigeen Ciidanka ay haystaan.
Ad
Previous articleAxmed Karaash oo Xilka Qaadis iyo Magaacabi Sameeyey Tan iyo Markii uu Ku Dhawaaqay inuu Yahay Madaxweynaha Puntland
Next articleXukuumada Rooble oo warka soo saartay Qarixii Saakay Ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here