Howlaha ugu muhiimsan ee Xasan Sheekh Horyaallo Toddobaadyada soo socda

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud toddobaadyada ugu horreeya waxaa laga sugayaa howla muhiim ah oo gudashada waajibaadka loo igmaday laf dhabar u ah.

Waxaanna qormadan kooban ku eegeynaa qaar ka mid ah howlaha ugu muhiimsan ee horyaalla Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xil la wareegid iyo Caleema saarka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii May loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Soomaaliya kaddib marki cod aqlabiyad ah uu wareeggi seddexaad uga guuleystay madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.