Home Wararka Maanta Hooyo Xaawo Maxamuud Calasow oo Alshabaab si arxan daraa ah u dileen

Hooyo Xaawo Maxamuud Calasow oo Alshabaab si arxan daraa ah u dileen

0

Waxaa weli isa soo taraya saameynta ka dhalatay weerarkii qaraxyada ku billowday ee ay todobaadkan Al-Shabaab ku qaadeen xerada deegaanka Daaru Nimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeelaha Dhexe.

Weerarkan ayaa geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo ku noolaa deegaankaasi.

Dadka weerarka ku dhintay waxaa kamid ahayd Hooyo Xaawo Maxamuud Calasow (Xaawo Sagale) oo caan ka ahayd deegaanka Daaru Nimca, taas oo si arxan darro ah loo dilay.

Axmed Nuur oo ah wiil 13 sanno jir ah oo ay dhashay marxuumadda ayaa ka sheekeeyay sida loo dilay hooyadiis, wuxuuna sheegay in marka hore la dhaawacay, kadibna la dilay.

“Marka hore lugtaa xabad looga dhuftay garabka ayaan kasoo qabtay guriga ayaan keenay, kadib guriga ayay soo garaaceen waa laga furi waayay waa soo jabsheen meel ayaan ka hoos galay xabadihii ayay ku fureen waana ku dhammeystireen,” ayuu yiri Axmed Yare.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Madaxa ayay shan uga dhufteen waa ku wadeen illaa ay ka dhimato aniga haddii ay guriga ka baxeen ayaa ka orday”

“Ninkii Hooyaday dilay aniga ma dhaafayo haddii aan arko xittaa wixii Shabaab ah waan dilaa, inta aan wax heysatana waan iska celinayaa,” ayuu markale yiri Axmed Nuur.

Dhankiisa Cabdi Taakow ah oo nin hoggaamiya ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan Daaru Nimca ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay dishay gabar yar oo saddex sano jir aheyd, taas oo uu tilmaamay in dhaawac ahaa loo qaaday, balse mar dambe ay geeriyootay.

“Canug saqiir ah oo saddex sano jirta ayey dileen dhaawaceeda inta la qaaday ayay dhex ku dhimatay waa lasoo celiyay intan ku aasnay,” ayuu isna yiri Cabdi Taakow.

Ad
Previous articleKooxaha Diimaha Kenya oo booqday kaniisad iyo masaajid la gubay xalay
Next articleGaraadada SSC oo War Kasoo Saaray Dagaalka ay Soomaaliland Shalay ku dhawaaqday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here