Home Wararka Maanta Abiy Ahmed: ‘Itoobiya way leedahay awood ay is ku difaacdao, balse ma...

Abiy Ahmed: ‘Itoobiya way leedahay awood ay is ku difaacdao, balse ma rabo inaan la dagaalo Soomaaliya’

0

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladda Itoobiya aysan dooneyn in ay dagaal la gasho Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu sheegay isaga oo ka jawaabayay su’aalo ay waydiiyeen mudanayaasha Aqalka Sare ee Itoobiya. Abiye ayaa hor tagayay golaha maanta oo talaado ah.

Kulanka maanta ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sharaxaad ka bixiyay su’aalihii lagu weydiiyay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee uu bil ka hor la saxiixday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ahaa in laga galo iridda badda.

Waxyaalaha la waydiiyay ra’isul wasaaraha ayaa waxaa kamid ahaa heshiiskii is afgaradka ee muranka badan dhaliyay ee Itoobiya la saxiixatay Somaliland, kaas oo dhigayay in Itoobiya ay dhul ka hesho aagga badda Somaliland si ay uga dhisato saldhig milatari iyo tekad labadaba.

Cabbir xeeb oo dhan 20 KM, ayay kuwada heshiiyeen labada dhinac in la siiyo Itoobiya, balse heshiiskaas ayaa Soomaaliya si weyn uga caraysiisay, isla markaana xiisad weyn ka abuuray gobolka.

36 maalmood ka dib heshiiskaas, Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka hor jeediyay Golaha Shacabka ee dalkiisa, ayaa sheegay in dalkiisu uusan dooneyn dagaal uu la galo Somaliya. Waxa uu ku eedeeyay “quwado aan la magacaabin” in ay ka shaqeynayaan sidii ay Itoobiya colaad iyo dagaal ula gali leheed Soomaaliya.

“Uma maleynayo in dowladda Soomaaliya ay rabto inay isku dhacaan Itoobiya – sidaas ayaan qiyaasayaa.” Balse quwadaha daneynaya ayaa doonaya in ay Soomaaliya ka dhigtaan gacmo ay ku adeegtaan, laakiin waxaasi nama qabtaan. “Diyaar uma nihin inaan dhahno ama sameyno wax xaalka uga dara,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Wuxuu intaas ku daray: “Xoogaga doonaya arrintaan waxaa laga yaabaa in ay sameeyaan walaalaheena Soomaaliya, sida ay hadaba warbaahinta ugu adeegsanayaan walaalaheena qurbajoogta ah; balse inaga nooma babac dhigi karaan?

Wuxuu sheegay Abiye in dawladiisu aysan wax tartan ah kula jirin nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

“Ma jirto dawlad uga shaqaysay midnimada Soomaaliya sida taydu uga shaqaysay oo kale. Waan ku daalnay sidii aan u dhexdhaxaadin lahayn Soomaaliya iyo Somliland. Hadii ay Soomaaliya iyo Somaliland heshiiyaan berri, Itoobiya waxay noqoneysaa waddanka ugu horeeya ee ku farxa,” ayuu yiri Abiye Ahmed.

Waxa kale oo uu sheegay: “Ma dooneyno inaan cidna wax ka qaadano. Ma dooneyno inaan taabno madaxbanaanida cid kale”.

Balse wax hadal ah kama uusan dhiiban arrinta in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland iyo in kale, iyo talaabada xigta ee ay qaadi doonaan midna.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka jiraan xaalado ugu filan dhibaato, taas oo ay kamid yihiin abaaruhu, oo aysan tabar u ahayn in ay cid weeraraan. Balse waxa uu sheegay in hadii lagu soo xadgudbo dalkeeda ay leedahay Itoobiya awood ay isaga difaacdo cid kasta oo soo weerarta.

“Itoobiya waligeed cidina ma soo haweysan, [Waddan kale] waligiis inta ku soo duulay ma qabsan. Saddex waddan iska dhaafe toban ayaan xitaa waxba ka qaadi karin. Ma dagaalano. Ma rabo inaan dagaalano. Balse hadii ay timaado waan is difaaci karnaa. Cidna maa aadeyno, laakiin hadii naloo yimaado waan is difaaceynaa. Taas haka walwalinina.

Kiiska Itoobiya iyo Soomalaiya ayaan wali wax xal ah laga gaarin, iyada oo wali laga war sugayo go’aanka ay ka soo saaraan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib markii ay Soomaaliya codsatay in ay arrintaan ka fariistaan.

Ad
Previous articleSababtii Shalay oo Weeraray Suuqa Bakaaraha Iyo Khasaaraha La Qariyay ee ka Dhashay
Next articleHooyo Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here