Home Wararka Maanta Hooyo iyo 4 carruur ay dhashay oo ku geeriyooday hoobiyeyaal ku dhacay...

Hooyo iyo 4 carruur ay dhashay oo ku geeriyooday hoobiyeyaal ku dhacay Xamarjajab

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo xalay ku dhacay xaafado ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 5 madfac ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay agagaarka Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah oo uu khasaare kasoo gaaray, xilli ay hurdayeen.

Sida ay  innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, waxaa dhacdadaan ku dhintay hooyo iyo 4 carrruur ah oo ay dhashay, kadib markii uu gurigooda ku dhacay mid ka mid ah hoobiyeyaashaasi la soo tuuray, ayada oo sidoo kale dhaawac soo gaaray Aabaha qoyska.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay dhaawacyo soo gaareen in ka badan illaa 10 qof oo kale oo u badan dad isku qoys ah oo ayaguna ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Booliska oo ku aadan dhacdadaasi.

Weerarkaan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli uu socdo howlgalka lagu soo afjarayo weerarka tooska ahaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo soo billowday fiidkii hore ee xalay.

 

 

 

Ad
Previous articleInka Badan 12 Sacadood oo Wali Hotel Xayaat laga Saari la,yahay Alshabaab
Next articleWeerarkii lagu qaaday Hotelka Xayaat oon wali lasoo afjarin iyo Qaraxyo lasoo saaray (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here