Home Wararka Maanta Weerarkii lagu qaaday Hotelka Xayaat oon wali lasoo afjarin iyo Qaraxyo lasoo...

Weerarkii lagu qaaday Hotelka Xayaat oon wali lasoo afjarin iyo Qaraxyo lasoo saaray (Sawirro)

0

Ciidamada nabad sugida Soomaaliya iyo kuwa booliiska ayaa wali gudaha hotelka Xayaat ka wada howlgal ay kusoo afjarayaan weerarkii dabley hubeesan oo katirsan Al Shabaab xalay maqribkii ku galeen hoteelka Xayaat ee Muqdisho.

Dhismaha hotelka waxaa xalay ilaa saaka ka socda rasaas ay is dhaafsanayaan ciidamada amaanka iyo kooxda hubeesan, waxaana mararka qaar la maqlayaa bambooyin ay adeegsanayaan kooxda hubeesan.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalkii ciidamada wadaan gabogabo marayo lana soo afjarayo saacadaha soo socda, waxa ayna sheegeen saraakiisha ciidanka in la dilay qaar kamid ah ragii weerarka ku galay hotelka.

Ciidamada dowladda ayaana saakay ilaa xalay soo badbaadiyay dad badan oo ku xayirnaa gudaha hotelka, waxaa sidoo kale hoteelka laga soo saaray dad dhintay iyo sidoo kale dad dhaawacyo kuyaalaan.

Qaraxyo caagado la galiyay ayaa sidoo kale dhismaha hotelka laga soo saaray, waxaana ciidamada wali wadaan howlgal ay ku xaqiijinayaan in gabi ahaan lasoo afjaray ragii hubeesnaa ee galay hotelka.

Dad ka badan 10-qof ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat, waxaa  weerarka ku dhaawacmay dad kale oo badan oo xaaladooda lagula  tacaalayo isbitaalo kuyaalla caasimadda.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin weerarkan lagu qaaday hotelka Xayaat iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana saraakiisha booliiska sheegeen in ay socdaan tirakoob lagu sameenayo khasaaraha ka dhashay weerarka qaraxyada ku bilowday.

Ad
Previous articleHooyo iyo 4 carruur ay dhashay oo ku geeriyooday hoobiyeyaal ku dhacay Xamarjajab
Next articleDEG DEG: Mid ka mid Ragii Weerary Hotel Xayaat oo Isku Dhiibay Ciidanka Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here