Home Wararka Maanta Villa Soomaaliya oo Qaaday Talaabo layaab leh Qaaday kadib Gaaritankii Xasan...

Villa Soomaaliya oo Qaaday Talaabo layaab leh Qaaday kadib Gaaritankii Xasan Shiikh adisababa.

0

Madaxtooyada Soomaaliya oo baahisay sawirada markii uu Xasan Sheekh gaaray Addis Ababa iyo soo dhoweyntii wafdigiisa, ayaa waxay gebi ahaanba ka jartay sawirada madaxdii ka socotay xukuumadda Abiy Axmed.

Tallaabadan oo lagu tilmaamay mid cajiib ah ayaa muujinaysa sida ay weli madaxweynaha iyo dowladdiisa ugu taagan yihiin mowqifkii adkaa ee ay ka qaateen xad-gudubka Itoobiya, islamarkaana lagu muujinayo in weli xurgufta labada dhinac ay halkeedii tahay.

Villa Somalia ayaa sidoo kale bayaanka lagu daabacay boggeeda rasmiga ah ayaa ku xusin xubnaha garoonka Addis Ababa ku soo dhaweeyay madaxweyne Xasan, kaasi oo uu ugu meeqaam sareeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Waxaa xusid mudan in warbaahinta dowladda sida Telefishanka Qaranka uu markii hore baahiyay sawirada madaxweyne Xasan Sheekh oo uu barbar fadhiyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo isagu caasimada dalkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa, halka Villa Somalia ay gebi ahaanba ka jartay sawirada.

“Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

Inta uu socdo shir madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isaga oo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka Afrika iyo danaha qaranka.

Socdaalka madaxweynaha ayaa siyaabo kala duwan bulshada uga fal-celisay, ayada oo dadka qaar u arkaan inuu yahay mid lagu fududaaday, halka kuwa kalena ay qabaan in Soomaaliya aysan lumin fursad kasta oo fagaarayaasha caalamka ugu muujin karto mowqifkeeda ka dhanka ah Itoobiya.
Ad
Previous articleAddis Ababa: Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Caasimada Itoobiya:- Sawiro
Next articleHoggaamiyihii mucaaradka ku ahaa naftana u galay Vladamir Putin oo ku geeriyooday Xabsi Dhexdiis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here