Home Wararka Maanta Hogaamiye Muslim ah oo putin ugu baaqay inuu Nuclear ku garaaco Ukraine

Hogaamiye Muslim ah oo putin ugu baaqay inuu Nuclear ku garaaco Ukraine

0

Hogaamiyaha Jamhuuryada Chechnya Ramzan Kadyrov ayaa ku booriyey Ruushka in hubka Nukliyeerka ah loo adeegsado dagaalja Ukraine..

Xoogag hubeysan oo ka socda Jamhuuriyadda Chechnya ayaa ka qayb qaadanaya dagaalka Ukraine, iyagoo ka barbar dagaalamaya ciidamada Ruushka.

In ka badan toban sano oo uu Kadyrov xukumayay jamhuuriyadda Chechnya waxa ay hay’adaha xuquuqul insaanka ku eedeeyeen xarig aan loo meel dayin iyo xad-gudubyo xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan dilal.

Jamhuuryada Chechnya oo deriska ah Ruushka ayaa waxaa horey uga dhacay dagaalo lagu hoobtay oo gooni u goosad ahaa, kuwaasoo dhexmaray ciidamada Ruushka iyo ciiodamada Chechnya.

Ruushka ayaa markii dambe ka adkaaday xoogagii Chechnya, isagoo halkaas ka dhisay maamul taabacsan Moscow oo uu hogaamiye looga dhigay Ramzan Kadyrov

Ad
Previous articleAadan Madoobe oo Safar Deg Dega Ah Ugu Ambabaxay Netherland iyo ujeedka oo la ogaaday
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Kala Diray Laba GUdi oo Farmaajo Horay U dhisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here