Home Wararka Maanta Hogaamiyaashii Ahlusuna oo Gaaray Galmudug

Hogaamiyaashii Ahlusuna oo Gaaray Galmudug

0

Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna, Macalin Maxamuud Sheikh Xassan ayaa galinkii dambe ee maanta ka dagey Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

sida ay soo wariyeen xubno muhiim ah oo ka tirsan Ahlusunna, si uu uga qayb galo siyaarta Shiiqiisa, Sheikh Yuusuf Sheikh ibraahim Direed oo xiligan oo kale sanad walba lagu qabto Magaalada Huurshe ee Gobolka Galgaduud.

Macalin Maxamuud ayuu imaatinkiisan kusoo beegmayaa xili uu maanta isna Guriceel ka dagey Sheikh Shaakir oo labadooduba deegaanka mooganaa wax ka badan sanad. isla markaana Dhuusamareeb isaga tagey horaantii bishii March ee sanadii 2020.

Sidoo kale Sheikh shaakir ayaa Maanta ka degay Degmada Gurceel ee Gobalka Galgaduud, waxaana La sheegayaa in ay ka qeyb galayaan Siyaarada Sheikh yuusuf Sheikh ibraahim

Ad
Previous articleXog ku saabsan Qodobada ay ku Heshiiyeen Farmaajo iyo Rooble
Next articleFashil ku yimid Shirkii Madaxtooyada uga socday Farmaajo iyo Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here