Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Hirshabeele oo Dalbatay In deg deg lagu Fasaxo Kursiga Fahad yaasiin

Hirshabeele oo Dalbatay In deg deg lagu Fasaxo Kursiga Fahad yaasiin

0

War-Saxaafadeed

Dowladda Hirshabeelle waxay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowladda Hirshabeelle.

Dowladda Hirshabeelle waxay cadeeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah,  goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah.

Dowladda Hirshabeelle waxay ka digeysaa tallaabooyinka ay gudiga FEIT ku xagal daacinayaan dhameestirka doorashooyinka dalka.

Dowladda Hirshabelle waxay cadeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac qaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed taasina waxaa cadeyn u ah in gudiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay iyadoo aysan jirin wax habraac qaldan ah oo lasaxay, arintuna ay tahay anigaa qabsaday anigaana fasaxay tasoo muujineeyso kutakrifal awoodeed.

 

 

Uga dambeyn Dowladda Hirshabeelle waxay ugu baaqaysaa Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada Dalka.

 

Ad
Previous articleDeg Deg: Xildhibaanada Koonfurgalbeed oo Beri Muqdisho imanaaya iyo Kuraas loo Fasaxay Koonfurgalbeed
Next articleXildhibaanada Kutlada NISA oo Xaalku Ku Xunyahay Kadib Taliyahoodi Hore oo wali Lagu Dhagan yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here