Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Deg Deg: Xildhibaanada Koonfurgalbeed oo Beri Muqdisho imanaaya iyo Kuraas loo Fasaxay...

Deg Deg: Xildhibaanada Koonfurgalbeed oo Beri Muqdisho imanaaya iyo Kuraas loo Fasaxay Koonfurgalbeed

0

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa caawa fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale guddiga ayaa go’aamiyey in lagu noqdo doorashada kursiga HOP154 oo ka mid ahaa 3-dii kursi ee Koonfur Galbeed lagu diiday natiijada doorashadooda.

 

 

Xildhibaannada K/Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maalinta berri ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho, si ay u qaataan shahaaddada rasmiga ah ee Xildhibaannimada oo ay bixinayaan Guddiga FEIT.

Shahaaddo qaadashada kaddibna waxa ay ka qayb geli doonaan xafladda dhaarrinta Xildhibannada oo ka dhici doonta teendhada Afisiyooni oo ku taalla xerada Xalane.

Arrintaan ayaa imaaneysaa xilli xal laga gaaray khilaaf soo kala dhax galay Maamulka K/Galbeed ee uu hoggaamiyo C/casiis Lafta Gareen iyo Guddiga FEIT, khilaafkaas oo la xariira kuraas laga soo doortay maamulkaas oo uu guddiga hakiyay.

 

Ad
Previous articleGudoomiyihii Hore ee Waxbarashada Gobalka Hiraan oo Caawa la Dilay
Next articleHirshabeele oo Dalbatay In deg deg lagu Fasaxo Kursiga Fahad yaasiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here