Home Wararka Maanta Xildhibaanada Kutlada NISA oo Xaalku Ku Xunyahay Kadib Taliyahoodi Hore oo wali...

Xildhibaanada Kutlada NISA oo Xaalku Ku Xunyahay Kadib Taliyahoodi Hore oo wali Lagu Dhagan yahay

0

Saraakiil badan oo katirsanaa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sannadkan nasiib u yeeshay in ay kamid noqdaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka federaalka.

Xildhibaanadan Baarlamaanka kasoo galay NISA ayaa ku bahoobay kutlad cusub, waxa ayna garab istaag u muujiyeen taliyahoodii hore ee Fahad Yaasiin oo kursigii uu kusoo baxay ilaa hada lagu dhegan yahay.

Xildhibaanada NISA ayaa ka biyo diidanaa in ay qaataan shahaadada Xildhibaanimo si ay u garab istaagaan Fahad Yaasiin, waxa ayna Xildhibaanadan dugaashanayeen Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo tiro kale oo xildhibaano ah oo iyana diidanaa in shahaadada qaataan.

Xeel dheerayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in hada xaalku ku xun yahay Xildhibaanada NISA oon ka badneyn 10-kuwaa oo meel cidlo ah soo istaagaya haddii Xildhibaanada Koonfur Galbeed qaataan shahaadada lana dhaariyo.

Xildhibaanada NISA kasoo galay ayaan jirin cid daneeneysa oo arrintooda gorgortan ka galeysa, waxaana laga yaabaa in ugu dambeyn ku qasbanaadaan in si iskood ah shahaadada iyo ID-Cardka-ka u qaataan.

Kursiga Fahad Yaasiin ayaa ilaa hada guddiga doorashada ku dhegan yihiin , waxaana guddiga go’aamiyeen in doorashada kursigaasi dib loogu laabto, waxaana muuqaneysa in ujeedka ugu weyn tahay in Fahad la dhaafiyo guddoomiye kuxigeenka gollaha shacabka.

Ad
Previous articleHirshabeele oo Dalbatay In deg deg lagu Fasaxo Kursiga Fahad yaasiin
Next articleMaxay arintaan ka yiraahdeen xildhibaanada Koonfur Galbeed?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here