Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Hey’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka HirShabeelle oo qaaday tallaabo la mahadiyey

Hey’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka HirShabeelle oo qaaday tallaabo la mahadiyey

0

Hey’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa xalay qaaday tallaabo la mahadiyey, kadib markii ay baacsadeen, kuna guuleysteen inay soo qabtaan koox tuugo ah oo dhac u geysatay dad safar ah.

Dhacaas ayaa loo geystay dad u socday magaalada Gaalkacyo oo ka baxay Muqdisho, waxaana lagu baartay meel banaanka ka ah magaalada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Darawalkii waday gaariga xalay dhaca loo geystay ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in markii ay ka casheeyeen Cadale ay ka dhaqaaqeen xalay 10:00 saac, markii ay magaalada ka baxeen ayuu sheegay in koox tuugo ah ay xabado ku fureen.

Markii uu gaarigu istaagay ayay tuugadu baaratay lix nin iyo afar gabdhood oo la socday gaari Leylo ah oo Gaalkacyo u socday, sidoo kale dadkaas waxay sheegeen in loo geystay jir dil xoog leh.

Markii laga furtay wixii ay taleefan, lacag, dahab iyo sahay kaleba siteen ayaa la fasaxay, waxayna dib ugu soo laabteen degmada Cadale, iyagoo booliskii joogay ku war-geliyey in lasoo baartay oo dhac xoog leh iyo jir-dil loo geystay.

Intaas kadib booliska degmada Cadale ayaa qaaday tallaabo guuleysatay, waxayna raadiyeen oo gacanta ku soo dhigeen kooxdii dhaca u geysatay dadkaas safarka ah.

Maanta ayaa saldhigga degmada Cadale lagu soo bandhigay afar nin oo tuugnimadaas ku eedeysan iyo alaabihii ay dadkaan ka dhaceen, shacabkii dhaca loo geystay ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo aad ugu mahadceliyey booliska Cadale.

Taliyaha booliska degmada Cadale oo kiiskaan ka hadlay ayaa sheegay inay muddo ku raadjoogeen kooxdaan xalay dhaca u geysatay shacabka, isla markaana howlgal dheer kadib ay ku guuleysteen inay soo qabtaan.

Dadka ku safra gaadiidka isaga kala gudba Muqdisho iyo gobollada dhexe ayaa dhibaatooyin badan ku qaba kooxo tuugo ah oo ku furata meelo ka tirsan Sh/Dhexe, waxayna xalay booliska degmada Cadale qaadeen tallaabo dhif iyo naadir ka ah gobolkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilo ka hor waxgaradka beelaha dega aaggaas isugu keenay degmada Cadale, isagoo wacad ku maray in isbaarooyinka loo dhigto dadka musaafirka ah ay dowladiisu diyaar u tahay inay ku suuliso awood ciidan, balse weli ma suurta gelin.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay ee dabkii xalay ka kacay Tog Wajaale
Next articleCiidamada ATMIS oo baneeyey Saldhigga Ciidanka Biyo Cadde iyo Ciidamada Xooga oo la Wareegay(Sawiro)