Home Wararka Maanta Ciidamada ATMIS oo baneeyey Saldhigga Ciidanka Biyo Cadde iyo Ciidamada Xooga...

Ciidamada ATMIS oo baneeyey Saldhigga Ciidanka Biyo Cadde iyo Ciidamada Xooga oo la Wareegay(Sawiro)

0

Taliska Ciidamada ATMIS ayaa maanta bilaabay Wajigii Labaad ee dhimista Ciidamada midowga Afrika ee ka baxaya Soomaaliya.

ATMIS ayaa maanta baneeyey Saldhigga Ciidanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe kaasoo lagu wareejinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa mas’uul ka ahaa saldhigaas ciidamada Difaaca Burundi.

Taliyaha ciidanta ATMIS ee xerada Biyo Cadde, Lt. Col. Philip Butoyi ayaa si rasmi ah saldhigga ugu wareejiyay Maj. Muxudiin Axmed oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Wajigii koowaad ee dhimista ayaa la soo afjaray bishii June, ATMIS waxay kala baxday 2000 oo askari waxayna ku wareejisay lix saldhig oo hore uga hawlgeli jirtay iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2628 iyo 2670 (2022).

Si wada jir ah Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), ATMIS ayaa horay u soo gabagabeeyay qiimeyn farsamo oo lagu sameeyay wajigii koowaad, waxaana hadda qorshuhu yahay in 3000 oo askari oo dheeraad ah laga saaro dalka dabayaaqada bishan Septembar.

Ka bixitaanka 3000 oo askari oo ah wajiga labaad ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo dhamaadka bisha Sebtembar sida ku cad qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Ad
Previous articleHey’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka HirShabeelle oo qaaday tallaabo la mahadiyey
Next articleCiidamada Darawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka oo Kaabiga ku Haaya Magaalada Camaara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here