Home Wararka Somaliya Heshiis dhexmaray Galmudug iyo Maamulka Deegaanka Somalida Itoobiya (Akhriso Heshiiska)

Heshiis dhexmaray Galmudug iyo Maamulka Deegaanka Somalida Itoobiya (Akhriso Heshiiska)

0

Waxaa kulan looga hadlayay dhanka Amniga ku yeeshay Degaanka Ceel-Habreed ee Gobolka Qoraxeey dowlad degaanka Soomaalida Taliyeyaasha Ciidamada Layuu Booliska & Taliyaha Booliska Dagmada  Gurceel ee gobolka Galgaduud Dhame Cusmaan Cali Hudey.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa intisa badan waxaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida amniga, waxaana laga soo saaray Afar qodob oo muhiim u ah amniga, kuwaas oo kala ah.

1:  In wada shaqeyn buuxda ay yeeshaan labada Ciidan Booliska Guriceel & kan dowlad degaanka Soomaalida.

2: In si wadajir ah  looga wada Shaqeeyo xalinta Beelaha ku dagaalama xadka uu Gobolka  galgaduud la wadaago Dowlad degaanka Soomaalida.

3:  In la iska kaashado qabashada Maandooriyaha gaar ahaan qamriga  oo ay  labada ciidan ka shaqeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadka ka Ganacsada

4:  In la is weydaarsado dadka baxsadka ah ee Dabiyada ka gala dhinac kadibna u baxsada dhinaca kale.

Heshiiskaan la xiriira dhanka amniga oo ay wada gaareen Taliyaha Booliska degmada Guriceel. & Taliyaha Ciidanka liyuu Boolis ayaa waxaa oo dhaweeyay dadka ku nool degaanka  Ceel Habreed ee dowlad degaanka Soomaalida.

Ad
Previous articlePuntland oo lagu dilay Gudoomiye Degmo iyo Warar laga helayo Dilka dhacay
Next articleGalmudug oo Maamulk Cusub u magacowday Deegaanka Xero-Dhagaxleey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here