Home Wararka Maanta Puntland oo lagu dilay Gudoomiye Degmo iyo Warar laga helayo Dilka dhacay

Puntland oo lagu dilay Gudoomiye Degmo iyo Warar laga helayo Dilka dhacay

0

Rag hubeysan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa xalay weeraray degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari, halkaas oo dhawaan isaga baxeen Ciidamada Puntland.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga ka tirsan Kooxda Daacish ay weerarkaas ku ku dileen Guddoomiyihii degmadaas Maxamed Axmed Muumin, kaas oo ku sugnaa degmada.

Qaar kamid ah Dadka ku nool degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay Waebaahinta u sheegeen inay Kooxda Daacish galeen Gudaha degmada, hayeeshee markii dambe ay isaga baxeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaal kooban uu gudaha degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari ku dhexmaray Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha la dilay.

Hay’adaha Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ayaan weli ka hadlin weerarkaas iyo dilka Guddoomiyaha, balse waxaa la filayaa im Puntland ay Ciidamo u direyso degmada Balli-dhidin si loo xaqiijiyo Amniga degmada.

Ad
Previous articleRai’sal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Qaxootiga Cusub ee ka imaanaya Afganistan
Next articleHeshiis dhexmaray Galmudug iyo Maamulka Deegaanka Somalida Itoobiya (Akhriso Heshiiska)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here