Home Wararka Maanta Galmudug oo Maamulk Cusub u magacowday Deegaanka Xero-Dhagaxleey

Galmudug oo Maamulk Cusub u magacowday Deegaanka Xero-Dhagaxleey

0

Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Galmudug ahna ku-simaha Wasiirka ayaa waxaa uu Maamul cusub u Magacaabay Deegaanka Xero-Dahableey oo horay loogu yaqaaanay Deegaanka Xero-Dhagaxleey oo ka tirsan gobolka Mudug.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Axmed Cusmaan Aadan ( Qooje) ayaa waxaa lagu yiri” Aniga oo tixgalinaya soo Jeedinta Dhamaan waxgaradka iyo Siyaasiinta Gobolka Mudug, gaar ahaan Deegaanka Xero-Dahableey,  gudanayana  waajibkeyga  Dastuuriga waxa uu Maamul loo wada dhanyahay u magacaabay degaanka Xero-Dahableey.

Ilaa 15 Xubnood ayaa loo Magacaabay nay noqdaan maamulka degaanka Xero-Dahableey, kuwaas oo isugu jira Guddoomiye, Guddoomiye kuxigeen, Xogheyn, Afhayeen & 11 Xubnood, waxaana Magacyadooda kala yihiin.

Gudoomiye

  1. Xasan Shiekh Cilmi Cosoble

Gudoomiye ku xigeen

  1. Siciid Tahlil Guuleed
  2. Cali Maxamed Guuleed

Xog-haye

Afhayeen.

  1. Maxamed Cali Carab

xubin

  1. Cabdulahi Garaad Diiriye

xubin

  1. Cabdalle Cali Abshir

xubin

  1. Cabdi Maxamed Ducaale

8: Maxamed Maxamuud Bulaale

xubin

  1. Cismaan Maxamuud Dige

xubin

  1. Xirsi-Dahir Maxamed Sahal

xubin

  1. Hodan Shariif Maxamed

xubin

  1. Seynab Muxidiin Cosoble

xubin

  1. Maxamed Sharif Maxamuud

xubin

  1. Cali Warsame Cali

xubin

  1. Cabulaahi Roble Jimcaale

xubin

Ugu dabeyn qoraalka Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Galmudug ahna ku-simaha Wasiirka ayaa waxaa lagu soo geba gabeeyay.

“ Wasaaraddu waxa ay Ka rajeynaysaa Maamulka Cusub Ee Deegaanka Xero-Dahableey inay si hufan u gutaan Masuuliyada culus Ee loo igmaday, kana Shaqeeyaan Barnaamijyada horumarinta deegaanka iyo Bixinta Adeegyada Aasaasiga Ee Dadweynaha.

Ad
Previous articleHeshiis dhexmaray Galmudug iyo Maamulka Deegaanka Somalida Itoobiya (Akhriso Heshiiska)
Next articleDeg Deg: Weerar dhaba gal ah oo goor dhaw lagu dilay dad Marayay inta u dhaxeysa Balli-dhiig iyo Guri-ceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here