Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Hayada Interpool Codsi lagu Soo Qabanaayo Axmed Madoobe loo Diray

Hayada Interpool Codsi lagu Soo Qabanaayo Axmed Madoobe loo Diray

0

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan waaran soo qabasho u jartay Axmed Madoobe, ayaa haatana codsi u dirtay hay’adda Interpol.

Codsiga dowladda federaalka ayaa ku saabsan soo saarista digniin caalami ah (Red Notice) oo ka dhan ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Dowladda federaalka ayaa horey Axmed Madoobe ugu eedeysay khiyaano qaran iyo la shaqeynta dowlado shisheeye, taas oo ay u dheertahay carqaladeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, sida ku qoran eedda dowladda u jeedisay Madoobe.

Red Notice-ka oo Interpol ay soo saarto waa codsi caalami ah oo ku saabsan qabashada qof loo haysto dacwad, balse ma ahan amar xabsi ah oo toos ah, xilli maxkamadda gobolka Banaadir ay u jartay Axmed Madoobe waaran soo qabasho, oo lagu horkeenayo maxkamadda.

Dalabka dowladda federaalka ee Interpol ayaa wuxuu qeyb ka yahay taageero caalami ah oo dowladda u raadineyso soo qabashada Axmed Madoobe ama si loo horgeeyo cadaalad, maadaama ay u jeedisay eedeymo culus oo kamid yihiin “khiyaano qaran”.

Codsigan ayaa sidoo kale u muuqda mid ay dowladda ku dooneysa in Axmed Madoobe lagu qabto dal kasta oo xubno ka ah Interpol, si ugu dambeynta loogu soo gacan geliyo.

Si kastaba, xiisadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareertay kadib markii uu Axmed Madoobe mar saddexaad qabsaday doorasho uu kusoo baxay, waxaana laga cabsi qabaa inay dagaal toos ah isku rogto xiisaddu, maadaama deegaano ka tirsan maamulka ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan labada dhinac.

Ad
Previous articlePutin oo ku hanjabay inuu gantaallo ku weerarayo xafiisyada madaxda Ukraine