Home Wararka Maanta Dowlada Soomaliya oo ku Dhawaaqday Ciidamada Ugu Badanaa oo Jubaland ah…

Dowlada Soomaliya oo ku Dhawaaqday Ciidamada Ugu Badanaa oo Jubaland ah…

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka maamulka Jubbaland ay intooda badan si rasmi ah ugu biireen howl-galka ka socda Jubbooyinka.

“Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa intooda badan si rasmi ah ugu biiray hawlgallada ciidamada qalabka sida ee lagula dagaalamayo kooxaha Khawaarijta ee ku sugan degaanada Jubbooyinka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Qoraalka ayaa waxa kale oo lagu sheegay in shacabka iyo ciidanka Jubbaland ee deegaanka Kulbiyow ay soo dhaweeyeen howl-gallada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaanada maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale, shacabka ayaa taageero u muujiyay dowladda federaalka Soomaaliya,iyagoo ku eedeeyey eedeysane Axmed Madoobe in uu dayacay xuquuqda ciidamada iyo baahiyaha shacabka, sida lagu yiri qoraalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in deegaanka Raaskambooni uu ka bilowday howlgal rasmi ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ujeedkiisu yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo kooxda.

Dowladda dhexe oo haatan si weyn isku hayaan maamulka Jubbaland oo uu hoggaaminayo Axmed Madoobe ayaa ciidamo horleh geysay deegaano kamid ah maamulkaas, iyadoo kala fur-furid ku wada ciidanka taabacsan Madoobe, kuwaas oo qaarkood ay kasoo goosteen, kuna biireen kuwa ciidanka qaranka ee ku sugan halkaasi.

Dowladda federaalka ayaa ciidanka Jubbaland ka ballan-qaaday in hadii ay ka soo tagaan Axmed Madoobe la siinayo mushaar, darajo iyo in la qarameynayo oo lagu darayo ciidanka xoogga dalka.

Qorshahan ay dowladda federaalka kusoo afjareyso maamulka sanadaha badan jiray ee Axmed Madoobe ayaa waxaa toos u hor boodaya ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana haatan dhanka gobolka Gedo ka socda abaabul kale oo xooggan

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleHayada Interpool Codsi lagu Soo Qabanaayo Axmed Madoobe loo Diray
Next articleAxmed Madoobe oo ku Hanjabay inuu 10 Daqiiqo Ilyaas Gaboose Kismaayo Uga Saari karo