Home Wararka Maanta Putin oo ku hanjabay inuu gantaallo ku weerarayo xafiisyada madaxda Ukraine

Putin oo ku hanjabay inuu gantaallo ku weerarayo xafiisyada madaxda Ukraine

0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku hanjabay inuu gantaalka baliistikada cusub ee dalkaas ee Oreshnik ku weerarayo xarumaha ku yaalla caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Putin ayaa hadlay saacado ka dib markii Ruushku uu weerar “xooggan” ku qaaday shabakadda tamarta ee Ukraine, waxa uuna weerarkaas ugu yeeray jawaab celinta “weerarada joogtada ah” ee loo adeegsaday gantaallada Atacms ee uu Maraykanku ku soo qaaday dhulka Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka digay in “weerarka Ruushka” lagala kulmi doono “jawaab adag”.

Ukrain waxay adeegsatay Atacms iyo gantaallada Storm Shadow ee UK ay siisay si ay ugu garaacdo gudaha Ruushka toddobaadkii hore markii ugu horreysay tan iyo duullaankii baaxadda lahaa ee Febraayo 2022, ka dib markii ay ansixiyeen dalal badan oo taageera Ukraine kuwaas oo ay ugu horreeyaan reer galbeedka, UK iyo Faransiiska.

Weerarkii habeen hore ee Ruushku fuliyay waxa uu socday saacado badan, waxaana loo adeegsaday dhowr diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo dul heehaabayay hawada Ukraine, weerarkaas ayaana ahaa midkii labaad ee noociisa ah oo lagu qaado Ukraine bishan.

Ma jirin wax dhimasho ah, balse in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool Ukraine ayaa koronto la’aan noqday.

Zelensky wuxuu sheegay in weerarrada lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha tamarta iyo goobo dad rayid ah.

Putin ayaa sheegay in weerarka Ruushka uu ku qaaday Ukraine loo adeegsaday 90 gantaal iyo 100 diyaaradood oo aan duuliye lahayn sidoo kalena uu qayb ka ahaa gantaalka cusub ee ballistic-ga ah ee lagu magacaabo ” Oreshnik ” kaas oo uu ku tilmaamay mid aan la qaban karin.

Saraakiisha Mareykanka ayaa rumeysan in Ruushka ay u badan tahay inuu haysto tiro yar oo ka mid ah gantaallada “Oreshnik” uuna u baahan doono waqti uu ku soo saaro qaar kale oo noocaan ah.

Madaxweyne Zelensky oo khudbad jeediyay ayaa sheegay in Putin “wax dan ah ka lahayn soo afjarista dagaalka”.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in Moscow aysan oggolaan doonin in Ukraine ay hesho hubka Nukliyeerka ah, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ruushka ee RIA.

Arrintan ayaa loo malaynayaa inay daba socoto warbixinno uu todobaadkii hore qoray wargeyska New York Times oo sheegaya in saraakiil reer-galbeed ah oo aan la magacaabin ay soo jeediyeen in Ukraine la siiyo hubka nukliyeerka ka hor inta aanu madaxweynaha Maraykanka Joe Biden xafiiska ka tagin January.

Weerarrada Ruushka ayaa sababay qaraxyo ka dhacay dhowr magaalo oo ay ku jiraan Odesa, Kharkiv iyo Lutsk.

Kyiv waxa ay ahayd magaalada bartilmaameedka weerarada, laakiin maamulka Ukraine ayaa sheegay in dhammaan gantaaladii lala beegsaday caasimadda la qabtay.

Maamulka militariga ee Kyiv ayaa sheegay in weerarka uu socday ku dhawaad ​​sagaal saacadood iyo bar.

Ugu yaraan 12 goobood oo ku yaalla Ukraine oo ay ku jiraan saddex gobol oo galbeed ah, ayaa la garaacay, wasiirka tamarta Herman Halushchenko ayaa sheegay in koronto la’aan degdeg ah ay dhacday.

Dhinaca kale, madaxa maamulka Rivne Oleksandr Koval ayaa sheegay in sahayda korontada laga jaray in ka badan 280,000 oo qof oo ku nool gobolka galbeedka.

Gobolka Lviv, ilaa 523,000 oo guri iyo meherado ayaa koronto la’aan ahaa, sida uu sheegay madaxa gobolka Maksym Kozytsky.

Magaalada Kherson, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in laga yaabo inay koronto la’aan noqdaan maalmo.

Saraakiisha Ukraine waxay ka baqayaan isku day kale oo wadajir ah oo Ruushku ku doonayo inuu ku baabi’iyo korantada.

Waxa ay in muddo ah ka digayeen in Ruushku uu kaydinayey gantaallada loo yaqaano cruise-ka iyo gantaalaha ballistic-ga si ay weeraro isku dubaridan oo guud ahaan dalka ah ugu qaadaan nidaamka tamarta ee Ukraine.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleRaaskambooni maxay u tahay aag ay ciidamadu jecel yihiin in ay saldhig ka dhigtaan?
Next articleHayada Interpool Codsi lagu Soo Qabanaayo Axmed Madoobe loo Diray