Home Wararka Maanta Haweeney fal cajiib ah ku sameysay tuug gaajeysan oo gurigeeda usoo dhacay

Haweeney fal cajiib ah ku sameysay tuug gaajeysan oo gurigeeda usoo dhacay

0

Tuug ayaa usoo dhacay guriga haweeney Mareykanka u dhalatay oo lagu magacaabo Marjorie Perkins, isaga oo is lahaa hanti ka dhac, balse waxa uu kala kulmay arrin uusan filaynin.

Tuugga ayaa u haystay in haweeneydan 87 sano jirka ah mid howl gab noqotay oo aan iska dhicin karin da’deeda awgeed.

Haweeneydan oo muddo 35 sano ah macallin ka ahayd dugsi hoose, ayaa BBC-da u sheegtay: ‘Waa dareen kii ugu xumaa in aad ku soo toosto qol mugdi ah, oo uu qof ku hor taagan yahay,’

“Waan ku goo-goyn doonaa,” ayuu tuuggii ku yidhi haweeneyda ka dib markii uu ugu soo galay gurigeeda oo ku yaal magaalada Brunswick.

In kasta oo Marjorie Perkins ay argagaxday, haddana waxaa ay muujisay ficil oo waa ay dagaallantay.

Eedeysanaha oo 17 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira tuugonnimo, handadaad fal-dambiyeed, isku day dil, waxaana uu ku xidhan yahay xarun lagu haayo carruurta danbiyada galay.

In kasta oo ay tahay xaafad deggan, haddana guriga Perkins waxa uu ku yaallaa meel isgoys ah oo mashquul ah, taa oo sahashay in ay ‘daaqadda ka eegtay si ay caawimaad u weydiisato dadka deriska ah.

Tirada guud ee dadka magaaladan ayaa lagu qiyaasay in ay dhantahay 21 kun oo qof.

Dagaal xooggan oo dhexmaray kaddib Marjorie iyo tuuggii ayaa ugu danbeyn iskula dhacay jikada guriga.

“Waxaan u sheegayay inuu baxo,” Perkins ayaa dib u xusuusatay, kaddibna si lama filaan ah ayuu u jalleecay waxaa uuna ku yidhi ‘aad baan u gaajaysan yahay”.

Markii ay haweeneydu weydiisay ninkii dhallinyarada ahaa in uu u baahan yahay caawimo, wuxuu yidhi “Hore ayaan caawinaad u helay laakiin wax badan ima tarin.”

Markaa kaddib haweeneydii ayaa siisay tuuggii loos gasacadeesan, dhalo malab ah, laba xabbo oo borotiin ah iyo baakad buskud ah.

“Midkoodna muu taaban keliya wuxuu cunay buskudkii,” ayay tidhi.

Intii uu ku gudo jiray cuntadii haweeneydii ayaa wacday lambarka booliska ee 911, laakiin wiilkii ayaa albaabka hore uga baxay.

Markii ay booliisku yimaadeen guriga Perkins, ayaa loo sheegay in uu halkaasi ka baxsaday taagga taas oo sababtay baadhis ay goobtaasi ka fuliyaan booliiska oo ugu dambeyntii ka helay wiilkii guriga ay ayeeyadiis ku nooshahay oo aaggaasi ah.

Sheekadaan ayaa waxaa si weyn u soo qaatay hay’ado kale oo caalami ah, oo aaminsan in dhacdada Perkins ay waxun ka baddeli doonto dhacdooyinka maalin laha ah ee dunida isla markaana ay saameyn togan ku reebi doonta bulshada.

“Dad badan ayaa la yaabay inaan ku dhiirraday inaan kursi soo qaatay oo aan dagaallamay,” ayay ytidhi Marjorie Perkins.

Ad
Previous articleMaamulka Israa’iil oo ka farxiyay nin u dhashay dalka Eritrea oo bad baadiyay nolosha sargaal Israa’iili ah oo xaalad halis ah ku jiray.
Next articleAlshabaab oo Amar ku Xiray Ganacsiyadii Degmada Dharkeenleey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here