Home Wararka Maanta Alshabaab oo Amar ku Xiray Ganacsiyadii Degmada Dharkeenleey

Alshabaab oo Amar ku Xiray Ganacsiyadii Degmada Dharkeenleey

0

Waxaa maanta xiran inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaalla Waddada Jaale Siyaad ee dhex-marta degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kadib amaro kala duwan oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Mudug24 waxaa xiran goobaha ganacsiga ee ku yaallaya xaafadda Mac-mcaanka, Tabakaanyo Madow, Nuur Adduunyo illaa isgoyska Xoosh ee dgemadaasi.

Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay Shabelle Tv ayaa ka warbixiyay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa, waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Taliska NISA uu kusoo rogay amar ah in Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV ay ku xiraan goobahooda ganacsi, sidaas oo kalena ay digniin kasoo gaartay Al-Shabaab oo diidan Kaamirooyinkaasi.

“Aad ayaan uga xunahay labada dhinac waxay na leeyihiin kan fur, kana xir marka dhibaato weyn ayaan ku qabnaa labada dhinac” ayuu yiri mid kamid ah ganacstada.

Sidoo kale wiil kale oo kamid ganacsatada ku dhaqan degmada Dharkenley oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in muddada loo qabtay inay ku xiraan Kaamirooyinka ay dhammaatay, ciidamada ammaankana ay bilaabeen inay xir-xiraan ganacsatada.

“Maanta degmada Dharkenley waa lagu yaaban yahay digniin horana waa la bixiyay, intii aan sugeynana waqtigii waa lasoo gaabiyay waa naloo imaaday, waana la xiroowaaa ganacstada” ayuu isna yiri wiil kale oo dhalinyaro ah, kana mid ah ganacsatada.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in amarkan ay kala kulmeen caqabad weyn, maadaama la siiyay waqti kooban, Kaamirada ay u baahan tahay in lasoo gado, kadibna la xiro.

“Sababta waxaa waayay waxaa la dhahowaa Kaamiro hala xiro, taasna waxay nagu noqotay caqabad, waayo saaka wax dukaan ah oo furan malaha” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu yiri “Kaamirada fursad ayay u baahan tahay iska xir laguma xiri karo lacag ayay u baahan tahay shaqo ayay u baahan tahay kadib xiris ayay u baahan tahay wax fududna maaha”.

Amarkan kasoo baxay dowladda ee ah in Kaamirooyin lagu xiro goobaha ganacsi ee ku yaalla laamiyada ayaa inta badan ka dhaqan-galay degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana sababta lagu sheegay in lagula soconayo dhaq-dhaqaaqa amniga caasimada.

Ad
Previous articleHaweeney fal cajiib ah ku sameysay tuug gaajeysan oo gurigeeda usoo dhacay
Next articleXulka Qaranka Somalia oo guul taariikhi ah ka soo hoyey tartanka CECAFA (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here