Home Wararka Maanta Maamulka Israa’iil oo ka farxiyay nin u dhashay dalka Eritrea oo...

Maamulka Israa’iil oo ka farxiyay nin u dhashay dalka Eritrea oo bad baadiyay nolosha sargaal Israa’iili ah oo xaalad halis ah ku jiray.

0

Maamulka Israa’iil ayaa ka farxiyay abaal-gud weyna siiyay nin u dhashay dalka Eritrea oo qaxooti ahaan u joogay dalkaasi, kaddib markii uu bad baadiyay nolosha sargaal Israa’iili ah oo xaalad halis ah ku jiray.

Mulugeta Tsegai ayaa la sheegay in uu badbaadiyay nolosha sargaalka katirsanaa ciidamada Israa’iil, markii si xun loogu dhaawacay weerarkii kooxda Xamaas ay ku qaaday magaalada Sderot ee Israa’iil.

Ninkan qaxootiga ahaa ayaa hadda abaal-marin looga dhigay sharciga degenaanshaha Israa’iil, waxaana ninkan lagu ammaanay doorkii geesinnimada lahaa uu qaatay kuna bad baadiyay nolosha sargaalka dhaawaca ahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Israa’iil Moshe Arbel ayaa sheegay in degenaansho rasmi ah la siiyay ninkan Eriteriyaanka ah , taasi uu sheegay in uu ku muteystay bad baadinta nafta Kornaylka katirsanaa ciidamada Israa’iil.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Howlgal Lagu laayay Alshabaab oo kadhacay Galmudug
Next articleHaweeney fal cajiib ah ku sameysay tuug gaajeysan oo gurigeeda usoo dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here