Home Wararka Maanta Haweeney 95 sano jir ahayd oo geeriyootay kaddib markii nin boolis ah...

Haweeney 95 sano jir ahayd oo geeriyootay kaddib markii nin boolis ah uu weeraray

0

Haweeney 95 jir ah oo ay booliisku ku qabteen qalabka ku shaqeeya qorontada ee loo yaqaano tiisarka xilli ay ku sugneyd guri lagu xanaaneeyo oo ku yalla dalka Australia, ayaa dhalisay qeylo dhaan dadweyne iyadoo ugu danbeyn ay geeriyootay.

Clare Nowland ayaa si xun loo dhaawacay kadib markii ay booliisku ka jawaabeen wararka sheegaya in ay mindi kula dhex wareegaysay gurigeeda daryeelka abbaaraha 4-tii subaxnimo Arbacadii hore.

Booliiska New South Wales ayaa sheegay in ay dhimatay fiidnimadii Arbacada.

Askariga qalabka ku aadiyay Ms Nowland ayaa lagu soo oogay dacwad.

Ms Nowland waxay ku noolayd guri daryeel oo ku yaal magaalada Cooma oo qiyaastii 114km koonfur kaga beegan Canberra, caasimadda Australia.

Ms Nowland ayaa la rumeysan yahay in madaxa uu dhaawac halis ah kasoo gaaray iyo dhiig bax halis ah kadib markii madaxeeda ay six un dhulka ugu dhifsatay intii uu shilku socday.

Ad
Previous articleCaalim Tariq Ramadan oo lagu waayey dembi kufsi oo lagu eedeeyay
Next articleWasiir Cabdikaafi Qaaf oo Digniin UDiray Madaxweyne Qoor Qoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here