Home Wararka Maanta Handaad lagu sameeyay arday Soomaali ah oo hadal hayn ka dhalisay Ingiriiska

Handaad lagu sameeyay arday Soomaali ah oo hadal hayn ka dhalisay Ingiriiska

0

Caro xoog leh ayaa ka dhalatay gudaha magaalada Bristol iyo guud ahaan Ingiriiska , ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyey muuqaal arday Soomaali ah oo si foolxun fal ku taagsi ah ugu samaynaya arday kale oo Soomaali ah xilli ay ku sugnaayeen iskool ku yaala magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska.

Muuqaalka ayaa laga arki karaa iyadoo ardayda falka gaysanaysa ay kuleetiga shaatiga hayaan ardayga falka awood-sheegashada ah ama ku taagsiga ah ay ku samaynayaan ardeyda kale, iyagoo ku sugan qaybaha musqulaha ee Iskoolka.

Sida muuqaalka ka muuqta kooxda ardayda ah ee falkaan u gaysanaya ardayga kale ayaa iyago oo kuleetiga haya waxay waxay isku dayayaan in ay madaxa u galiyaan qaybta fadhiya ee suuliga.

Dhacdadan ayaa dhacday horaanti Bishan May iyadoo muuqaalka la faafiyey uu falcelin badan ka bixiyeen waalidiin badan,iyo dadka u dooda xaquuqda dhallaanka taas oo keentay in iskoolka ay ardadani dhiganayeen uu soo saaro qoraal rasmi ah oo kaga hadlay dhacdada.

War qoraal ah oo uu soo saaray Iskoolka Orchard ee Bristol oo ardayda falka gaystay dhiganayeen ayaa lagu tilmaamay wax aan loo dulqaadan Karin waxaa dhacay, ayna baaritaan ku hayaan.

“Waxaan rabaa in aan kuu xaqiijiyo in kooxdayada ilaalintu ay si buuxda u baadhayaan arrinta, si dhowna uga shaqaynayaan taageerada, iyo caawinta, qoysaska kuwa la aqoonsaday, si waafaqsan siyaasadahayada Ka-hortagga Xoog-sheegashada, Orchard waxaa ka go’an ku dhaqanka takoorka ka dhanka ah mana u dulqaadanayo cagajuglaynta nooc kastaba ha ahaatee.” ayaa lagu yiri bayaanka Iskoolka.

Falcelinta bulshada Soomaalida ee falka
Qaar ka mid ah bulshada oo u badan waalidiinta Soomaalida ee ku nool Bristol iyo guud ahan UK ayaa barahooda bulshada ku cabiray sida ay ugu xun yihiin falkan iyagoo ku tilmaamay “dhacdo ugub ah oo u baahan in si wadajira looga hortago”.

Khaliil Aadan Cabdi, oo madax ka ah ururka dhalinyarada ee ‘Horn Youth’ ee ka dhisan Bristol, sidoo kalana caawiya ardaya ayaa BBC da u sheegay in falkan uu gilgilay Soomaalida oo dhan taasna ay dhalisay in si xoog leh loola xiriiro iskoolkii falku ka dhacay, shirar arrintaas looga hadlayana ay la yeeshaan qaybaha kala duwan ee Soomaalida.

“Arrinta sababta sida weyn looga carooday waa in aysan dhaqanka Soomaalidu meelna ka soo galin waxaa ay sameeyeen ardaydan” ayuu yiri Khaliif oo BBC da la hadlay.

Sida uu xusay Khaliil, waxaa soo kordhaya ardayda falalka bahdilka isu gaysanaya taas oo keentay in bulshooyinku ku wargalinayaan iskoolada sidii arrintaas wadajir looga hortagi lahaa.

Waa maxay Xog-sheego (Bullying)

Ficilada bahdilaada ee si ula kac ah loo gaysto qof ama koox kuwaas ah dhaqan liddi ku ah kuwa lagu kacayo ayaa lagu fasiraa si guud ku-taagsiga.

Cagajuglayn, gaacin, qabasho, in la jiid jiido qofka dharkiisa ama erayo ahaan loogu dhawaaqo, dhammaan waa xadgudubyo bahdilnimo ah oo dhaca kuwaas oo ku keeno qofka ama kooxda loo gaysto in ay dareen ahaan ama jir ahaan dhaawacmaan.

Ficiladan waxaa sida caadiga ah sameeya dad saamayn badan ama awood dheeri ah ku leh qof kale, ama raba inay qof kale dareen siiyaan awood yaraan si ay ugu taagsadaan.

Awood-sheegashadu waxay qaadan kartaa qaabab badan, iyadoo u dhici karta iyada oo ay labada dhinac wada joogaan, ama internet ka isku arkaya, ama xitaa ay fariimo isku dhaafsanayaan baraha bulshada ah.

Waxaa jira tirokoobyo kala duwan oo la heli karo oo ku saabsan awood-sheegashada

dugsiyada UK oo dhan – inta badan waxay ka dhashaan sahanno la sameeyey laakiin sida xogaha ka muqata waxaa jira heerka kororka ee xoog-sheegashada ee ku badana iskoolada UK.

Natiijadii ka soo baxday xog- aruurin iyo su’aalo waydiin uu sameeyey barnaamijka Isbahaysiga Ka-hortagga awood-sheegashada ee Midaysan Ka-hortagga cagajuglaynta oo ay la socdaan ku dhawaad 65,000 oo arday oo England oo dhan ah ayaa lagu ogaaday in: Ku dhawaad 1 ka mid ah 4tii arday ayaa sheegay in loo awood-sheegtay mar ama had iyo jeer.

Ad
Previous articleBooliska Soomaliya oo Gacanta Kuso Dhigay Cadaawe Jiib oo Maalmo ka jor Hanjabaad layaab leh soo Diray
Next articleIiraan Oo Shaacisay Wixii Sababay Buburkii Diyaaradii u ku Geeriyooday Madaxweynaha Iiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here