Home Wararka Maanta Iiraan Oo Shaacisay Wixii Sababay Buburkii Diyaaradii u ku Geeriyooday Madaxweynaha Iiraan

Iiraan Oo Shaacisay Wixii Sababay Buburkii Diyaaradii u ku Geeriyooday Madaxweynaha Iiraan

0

Saraakiisha dalka Iran ayaa soo saaray warbixintii ugu horeysay ee ku saabsan bur-burka diyaaradii helicopter-ka ahayd ee uu ku geeriyooday madaxweynihii dalkaasi Ibrahim Raisi.

Koox khubaro iyo farsamo-yaqaanno ah oo tegay goobta shilka ayaa waxay warbixinta hordhac ah ee baarista ah ku xaqiijiyeen in diyaaradda ay raacday wadadii loogu talay intii ay ku jirtay duulimaadka oo dhan, mana jirin wax ka leexasho waddo ah.

Hal daqiiqo iyo bar kahor shilka, duuliyihii diyaaradda helicopter-ka ee burburtay ayaa xiriir la sameeyay labo diyaaradood oo kale oo la socday. Tan ayaa ka dhigan in diyaaradda bur-burtay ee madaxweynaha uu saarna ay la socdeen illaa laba kale.

Sida ay muujineyso warbixinta hordhaca ah ee baarista kiiskaan, illaa hadda ma jirto wax rasaas ah ama raad lamid ah oo laga helay bur-burka diyaaradda helicopter-ka ahayd.

Warbixinta ayaa sidoo kale faah-faahisay “in diyaarada helicopter-ka ahayd ay gubatay kadib markii ay ku dhacday buur, maadaama deegaanka shilku ka dhacay uu yahay aag buuraley ah.”

Warbixintan aya sidoo kale hoos u dhigeysa shakiga lala xiriirinayo sababta ay diyaaraddu u dhacday, ayada oo kooxda khubaro ee wadda baaristan ayaa sheegeen in baaritaannada kadib lala wadaagi doono xog dheeri ah bulshada.

Shilkaan oo reer Iran si weyn ay uga naxeen waxaa ku dhintay madaxweynihii Iran Ibrahim Raisi iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil kale oo la socotay.

Raisi, oo ahaa 63 jir ayaa xilka madaxtinimada Iran loo doortay sannadki 2021-ki, isla markii la dhaariyay wuxuu adkeeyay qawaaniinta anshaxa isaga oo kor kala socday olole dadka looga reebayay munkarka, kaas oo sababay bannaanbaxyo looga soo horjeestay dowladda.

Waxaana hadda noqday madaxweynaha dalkaasi madaxweyne ku-xigeenka dalka Mohammad Mokhber, isaga oo xilkaan si kumeel-gaar ah u hayn doono, sida uu shaaciyay hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Iran ayaa waxa ay hadda haysataa ugu badnaan 50 maalmood oo ay tahay in lagu qabto doorasho madaxweyne si loo doorto qofkii beddeli lahaa Raisi.

Ad
Previous articleHandaad lagu sameeyay arday Soomaali ah oo hadal hayn ka dhalisay Ingiriiska
Next articleAl-Shabaab oo weerar iyo dagaal toos ah ku qaaday Xero ay Daganayeen…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here