Home Wararka Maanta Booliska Soomaliya oo Gacanta Kuso Dhigay Cadaawe Jiib oo Maalmo ka jor...

Booliska Soomaliya oo Gacanta Kuso Dhigay Cadaawe Jiib oo Maalmo ka jor Hanjabaad layaab leh soo Diray

0

Booliska Soomaaliya ayaa goordhaweyd gacanta kusoo dhigay Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib) oo dhawaan warbaahinta ka hanjabay.

Ninkan oo ah askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa waxaa soo xiray ciidanka booliska gobolka Banaadir, gaar ahaan kan saldhigga booliska ee degmada Deyniile, waxa uuna kal hore kasoo muuqday warbaahinta isaga oo ku goodinaya dagaal iyo in uusan aqbaleyn amar burburin dhul oo ka fulay gudaha caasimada.

“Eedeysanaha oo ah askari katirsan ciidamada qalabka sida ayaa ku eedeysan is hor istaag amar Maxkammadeed iyo ku lug lahaasho kicin bulsho, wxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda Ciidamada ee ku shaqada leh howlahaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo baahiyay xariga ninkaan.

Laba maalin kahor ayay aheyd markii uu booliska soo xiray Mascuud Cabdullaahi Afrax (Garweyne) oo ahaa nin oday ah, islamarkaana marar badan kasoo muuqday warbaahinta.

Booliska ayaa ninkaas ku eedeeyay inuu u gefay garsoorka dalka, islamarkaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay xukunno ay rideen maxkamadaha dalka. Wuxuuna booliska sheegay in la horgeyn doono maxkamadda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Ad
Previous articleDagaal Lagu Qaaday Alshabaab oo Saakay Ka Dhacay Galgaduud
Next articleHandaad lagu sameeyay arday Soomaali ah oo hadal hayn ka dhalisay Ingiriiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here