Home Wararka Maanta Halyeygii Kubadda Cagta Brazil Pele Oo Geeriyooday

Halyeygii Kubadda Cagta Brazil Pele Oo Geeriyooday

0

Halyeyga kubadda cagta Brazil Pele, oo la oran karo waa ciyaaryahankii abid ugu wacnaa, ayaa goor dhow geeriyooday iyadoo da’adiisu ahayd 82-sano jir. Waxa uu la ildarnaa xanuunada kelyaha iyo qanjirka sanadihii u dambeeyay.

Pele ayaa qaliin lagaga soo saaray mindhicirkiisa bishii Sebtembar 2021 waxaana lagu sameeyay cisbitaalka Albert Einstein ee Sao Paulo, ka dib markii buro lagu ogaaday baaritaano caadi ah. Waxa dib loogu celiyay Isbitaalka dabayaaqadii Noofambar 2022.

Waxaa lagu tiriyaa inuu dhaliyay rikoorka adduunka 1,281 gool 1,363 kulan oo uu saftay 21-sano oo uu ciyaaray, oo ay ku jiraan 77 gool 92 kulan oo uu u saftay dalkiisa.

Waxa uu ahaa ciyaaryahanka kaliya ee ku guuleystay Koobka Adduunka seddex jeer, isagoo qaaday koobka 1958, 1962 iyo 1970, Pele ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii qarniga ee Fifa 2000.

Gabadha uu dhalay ee la yiraahdo Kely Nascimento ayaa taageereyaasha kala socodsiinaysay xaaladda aabbaheed iyada oo cusbitaalka ka joogtay aabaheed.

Bogga Twitter-ka ee Pele ayaa la soo dhigay: “Dhiirigelin iyo jacayl ayaa calaamad u ah safarkii Boqor Pele, oo maanta si nabad ah u geeriyooday. Jacayl, jacayl iyo jacayl, weligiis.”

Edson Arantes do Nascimento, oo loo yaqaanay Pele, ayaa noqday xidig caalami ah markii uu 17 jir ahaa, wuxuu ka caawiyay Brazil inay ku guuleysato koobkii adduunka ee 1958 ee Sweden, isagoo ku qasbay inuu ku soo bilowdo wareega 16ka.

Waxa uu dhaliyay goolka kaliya ee ay 1-0 kaga badiyeen Wales wareega 8da, seddexley uu ka dhaliyay France semi-finalka iyo labo gool oo ay 5-2 kaga badiyeen xulka martida loo ahaa finalkii.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Balan Qaad Cajiib ah Ka Helay Danjire Mohamed Souef(Sawiro)
Next articleSoomaaliland oo Amartay in La jaro Isgaarsiinta Magaalada Laaso Canood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here