Home Wararka Maanta “Hadaan dhinto qabiilkeyga iyo Soomaali oo dhan” Shanbaloolshe oo Shaaciyay Dardaaran...

“Hadaan dhinto qabiilkeyga iyo Soomaali oo dhan” Shanbaloolshe oo Shaaciyay Dardaaran uu ka Reebay Taliye Xasan Tuure

0

Taliyihii hore ee NISA Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa ka sheekeeyey sida uu ku bilowday halgankii lagu xoreeyey gobolka Hiiraan, isagoo soo bandhigay qisada sidii uu dagaalka ku soo galay Taliye ku xigeenkii ciidanka Danab Xasan Tuure oo markii dambe lagu dilay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Sanbaloolshe ayaa sheegay inuu wacay Xasan Tuure oo Jowhar jooga, heystana 150 askari oo Danab ah, isla markaana uu ka codsaday in Cali Jeyte uu dagaalka ku garab siiyo, si loo furo jidka Beledweyne ilaa Matabaan oo Shabaab ay jareen.

“Xasan Tuure wuxuu maalinkaas igu yiri diyaar ayaan ahay ee madaxda iga sareysa la xiriir, Odawaa ayaan u tegay, Madaxweynaha ayuu ii diray, Xasan Sheekh anigaa u tegay, waana ogolaaday, sidaas ayuu ku bilowday howlgalkii,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Xasan Tuure iyo Cali Jeyte dhowr bilood oo dagaal qaraar ay kula jireen Al-Shabaab kadib, waxaa u suurta gashay inay ka adkaadaan Shabaab-kii joogay bariga gobolka Hiiraan, iyagoo xoreeyey dhamaan deegaanada bari ka xiga wabiga Shabeelle oo beesha Xawaadle ay degto.

“Hiiraan markii uu soo xoreeyey Xasan Tuure oo Galgaduud u gudbay ayaan maalin kale dardaarankii ugu dambeeyey ku kala qaadanay Hotelka Decale ee Muqdisho, wuxuu ii sheegay inuu socdo, wuxuuna igu yiri, ‘Galgaduud hadaan aado, labo ayey mid noqonee, askarta aan wato in la wada laayo ama inaan Shabaab ka soo taqaluso’ labadaasna dhib kuma qabo,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo ka sheekeeyey dardaarankii ugu dambeeyey ee Xasan Tuure.

Sanbaloolshe oo hadalkaan ka sheegay Moqokori ayaa xusay in dardaarankii Xasan Tuure ay ku jirtay in dagaalkii ay ku xoreeyeen Hiiraan uu u galay dhamaan umadda Soomaaliyeed sidii cowga looga dul-qaadi lahaa, isla markaana uu codsanayo hadii uu dhinto in aan la qabiileyn halgankaas.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu codsaday in Xawaadle uusan difaac gelin ee beelaha kale ay ku garab siiyaan sidii ay isaga kici lahaayeen cadowga ku habsaday, inta uu noolyahana uu isagu sii wadi doono dagaalka ilaa uu ka ciribtiro argagixisada.

“Hadaan dhinto qabiilkeyga iyo Soomaali oo dhan madaxeeda ayaan dagaalkaan u galaye hala sii wado oo dagaalka yaan la joojin, dagaalka yaan xuduud loo yeelin, yaan la qabiileyn, hana la ii soo aaro, ayuu Xasan Tuure igu yiri, walaahi kalaan been ah kuma darin,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo Moqokori ka sheegay dardaarankii Xasan Tuure.

Ugu dambeyntii Sanbaloolshe ayaa beeshiisa Xawaadle ka socday inay difaaca ka baxaan oo dagaalka galaan, “Walaahi ma jirto cid idinka geesisan ee qaraaboy dagaalka gala,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Allaha u naxariistee Taliye Xasan Tuure oo dardaarankaan laga reebay wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii iyo abaanduulihii ciidamada kumaandooska Danab, weerar culus oo Shabaab ay ku qaadeen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay dhowr bilood ka hor.

Ad
Previous articleKhilaafkii U Dhaxexeeyey Qoor Qoor iyo Cali Ciid oo Cirka isku Shareeray iyo Doorashooyin ka Dhacay Caabudwaaq(Sawiro)
Next articleAlshabaab oo Weerar Ku Qaaday Deegaanka Ceel lahelay oo Maalmo ka hor laga Qabsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here