Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Weerar Ku Qaaday Deegaanka Ceel lahelay oo Maalmo ka hor...

Alshabaab oo Weerar Ku Qaaday Deegaanka Ceel lahelay oo Maalmo ka hor laga Qabsaday

0

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay ee gobalka Galgaduud, oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Saraakiil ka tirsan ciidamada, oo ku sugan Ceel-Lahelay, ayaa VOA u sheegay in wax khasaare ah aysan gaysan madaafiicdii xalay ay Al-Shabaab kusoo rideen deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab, oo sheegatay weerarkan, ayaa sheegtay inay ku beegsatay fariisimaha ciidamada dowladda ay kaga sugan yihiin halkaas. Shabaab ma bixin faah-faahin intaas dheer.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaan weli ka hadal weerarka ay sheegteen Al-Shabaab.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dib ugu laabtay Dhuusamareeb kadib kormeer ay shalay isaga iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ku tageen deegaanada Ceel-Lahelay iyo Ceelgaras.

Qoor Qoor ayaa waxaa safarka Ceelgaras, oo ay shalay qabsadeen ciidanka dowladda, ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

Ad
Previous article“Hadaan dhinto qabiilkeyga iyo Soomaali oo dhan” Shanbaloolshe oo Shaaciyay Dardaaran uu ka Reebay Taliye Xasan Tuure
Next articleWar Deg Deg ah: Ciidamada Darawiishta Galmudug oo Maantay Deegaano Cusub kaka Wareegay Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here