Home Wararka Somaliya Puntland Guriga Taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada magaalada Garawe oo la weeraray

Guriga Taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada magaalada Garawe oo la weeraray

0

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in xalay weerar lagu qaaday guri uu magaaladaasi ka degan yahay taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada Garawe Gaashaanle Dhaxe Cumar Kheyre.

Taliyaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garawe ayaa sheegay in gurigiisa weerar kusoo qaadeen ciidamo uu sheegay in ay yihiin maleeshiyaad ka ammar qaata siyaasiyiinta mucaaradka ku ah madaxweyne Deni.

Waxa uu sheegay in gurigiisa lag soo weeraray qorayga dhashiikaha iyo hub kale, isagoona cadeeyay in weerarka lagu soo qaaday uu ilaahey ka badbaadiyay, sidoo kale aysan jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay.

Weerarkan ka dhacay magaalada Garawe ayaa imaanaya xilli shalay la shaaciyay in la xaliyay khilaafkii ka taagnaa doorashada qof iyo cod laguna qanciyay siyaasiyiintii diidanaa doorashada in ciidamada taabacsan magaalada ka saaraan.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Looga Gaystay Daahir Xuseen Maxamuud oo Muqdisho lagu Dilay
Next articleSanaadiiqdii Loo Diyaariyay Doorashada Puntland oo la Dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here