Home Wararka Somaliya Jubbaland Gudoomiyaha Gobalka Gedo oo ka Horyimid Talaabo uu Qaaday P.M Rooble

Gudoomiyaha Gobalka Gedo oo ka Horyimid Talaabo uu Qaaday P.M Rooble

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed oo shir jaraa’id u qbatay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda Gedo iyo tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaaraha dalka oo guddi u xilisaaray doorashada gobolkaasi.

Axmed Buulle ayaa ka horyimid guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble ee loo saaray inay kasoo tala bixiyaan in doorasho ay ka dhici karto magaalada Garbahaarey, guddoomiyaha ayaana ku dooday in doorashadu leedahay saddex guddi oo wada shaqeeya.

 

“Doorashada saddex guddi ayey leedahay sida sharciga ah waa Duddiga Doorashada ee Heer Federaal, waa Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Heer State sidexdaas waayey guddiyada doorashooyinka,” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id guddoomiyaha Gedo.

Gareed ayaa sidoo kale su’aal ka keenay doorka guddoomiyaha guddiga ee la magacaabay Cumar Dhagey, maadaama uusan qayb ka aheyn guddiyada doorashooyinka dalka.

“Waxaad noo soo dirtay ra’iisul wasaare saddexdaas qof aan aheyn ninka la yiraahdo Abuukaate Cumar Dhagey illaa iyo hadda meel uu ka socdo iyo howl uu qabanayo iyo door uu ku leeyahay doorashada ma garaneyno mana na naqaano,” ayuu sii raaciyey.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Reer loo diray Cumar Dhagey meeshaas meel ay wax kasoo baxayaan ma aha. Cumar Dhagey dadka reer Gedo waa nin aad u neceb,”.

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad darro kasta oo timaada doorashada Garbahaarey inuu qaadayo ra’iisul wasaaraha dalka.

Gedo ayaa waxaa ka taagan murano xoogan oo hareeyey kuraasta taalla Garbahaarey, kadib markii ay Jubbaland ku dhowaadqay in aysan doorasho ka dhici karin halkaasi.

Ad
Previous articleDeg Deg: Askari Ka Tirsan Ciidamada Galmudug oo Hub la Goostay una Galay Ahlusuna Waljamaaca(Sawiro)
Next articleRuushka oo Maantay Hormar balaaran ka Sameeyey Dagaalkii Ukrain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here