Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Barlamaanka Aadan Madoobe oo Cadeeyay Qorshaha laga leeyahay Dagaalka Baydhabo

Gudoomiyaha Barlamaanka Aadan Madoobe oo Cadeeyay Qorshaha laga leeyahay Dagaalka Baydhabo

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, oo qoraal kasoo saaray dagaalka maanta ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay. 

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada mamaulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Badbaado ee musharaxiinta madaxweynaha maamulka, ayada oo warar ay sheegayaan in ciidanka Koonfur Galbeed ay weerareen guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan Fargeeti oo ka mid ah musharaxiinta.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa war-saxaafadeedka uu saaray ku yiri “Waxaan aad ugu xumahay dhacdooyinka gacan ka hadalka ah ee maanta ka socda magaalada Baydhabo, xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan u tacsiyeynayaa ehelada dadkii ku naf waayay, intii ku dhaawacantay na waxaan Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah.”

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka ugu baaqay in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyaan dhiillada colaadeed ee taagan loona turo shacabka tabaaleysan. 

“Sidoo kale masuuliyiinta, siyaasiyiinta, saraakiisha, dhammaan ciidamada qalabka sida iyo cid walboo ku lug leh waxaan uga digayaa in ay qayb ka qaataan dhiig la daadiyo xiligan,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. 

“Dhammaan wixii khilaaf siyaasadeed ah ee ka jira deegaanka, sidii aan horay u soo jeedinay, waxaa lagu xalinayaa miiska wadahadalka. Waxaan u aragnaa dhaqdhaqaayadan kuwo looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib u heshiisiinta aan ku baaqnay ee lagu madlanyahay 5ta bisha Janaayo 2023-ka.”

Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn sheegay in dhamaan dhinacyada ku lugta leh qalalaasaha ka socda magaalada Baydhabo la gula xisaabtami doono wixii khasaara ah ee ka dhasha, wakhtigii isla xisaabtan la’aanta na la soo dhaafay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Baydhabo iyo Qorshe Cusub uu wado
Next articleFargeeti oo Shaaciyay in Ciidamadiisii lagala Waeeegay Aagii Shalay lagu Dagaalamay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here