Home Wararka Maanta Guddoomiye Cali Jayte oo shaaciyey ujeedka safarkiisa Muqdisho

Guddoomiye Cali Jayte oo shaaciyey ujeedka safarkiisa Muqdisho

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan ayaa maanta ka warbixiyey safar shaqo oo uu kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, xilli ay howlgallo ay ka socdaan gobolka uu maamulo.

Jayte ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka safarkiisa uu la xiriiro dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo deegaanada gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inuu kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, islamarkaana uu kala hadli doono wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Safarkeyga Muqdisho waxa uu ku saabsanyahay waqti dheer ayaan dagaal ku jirnaa waxaan madaxda dowladda la wadaageynaa sidii wax looga baddeli lahaa qorshaha dagaalka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan oo haatan ku sugan Muqdisho.

“Howlgalka waxaa kasoo billawnay dhinaca waqooyi gaar ahaan Matabaan, waxaana rabnaa in aan isku xirno Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe” ayuu  raaciyey Cali Jayte Cismaan.

Ad
Previous articleGaroonka diyaaradaha ee Degmada Cabudwaaq oo Maleeshiyo Beeleed Xireen Maanta
Next articleCiidamo Cusub oo ku Biiraya Xooga Dalka oo Balidoogle Tababar ugu Furmay Maantay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here