Home Wararka Maanta Garoonka diyaaradaha ee Degmada Cabudwaaq oo Maleeshiyo Beeleed Xireen Maanta

Garoonka diyaaradaha ee Degmada Cabudwaaq oo Maleeshiyo Beeleed Xireen Maanta

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta maleeshiyo Beeleed hubeysan ay xireen, isla markaana ay joojiyeen Shaqadii garoonka diyaaradaha degmadaas.

Maleeshiyaadka oo wata hubka culus iyo gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa waxaa ay ka careysan yihiin habka loo qeybiyay golaha degaanka degmada Cabudwaaq oo qaarkood la doortay, iyaga oo sheegay in aan laga siin saamigii ay ku lahaayeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Maleeshiyaadka ay garoonka diyaaradaha degmada Cabudwaaq kaso celiyeen oo ay diideen inay ka degto diyaarad siday mas’uuliyiin iyo Odayaal Dhaqan, iyaga oo sheegay in aysan garoonka furdi oonin ilaa laga xaliyo tabashadooda.

Maamlmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Cabudwaaq ka taagneyd cabashada la xiriirta dhismaha Golaha degaanka, iyada oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug uu dhawaan kala diray maamulkii degmada Cabudwaaq.

Waa Markii labaad oo bil Gudaheed ay Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq lawareegan maleeshiyo Beeleedyo diidan Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Caabudwaaq.

Ad
Previous articleDoorashada Barlamaanka Mareykanka oo Maanta Dhaceysa
Next articleGuddoomiye Cali Jayte oo shaaciyey ujeedka safarkiisa Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here