Home Wararka Maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka cusub ee Imaaraadka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka cusub ee Imaaraadka (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah la qaatay danjiraha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith.

Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta oo Guddoomiyaha salaan uga siday shacabka iyo dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliya isla markaana lasii adkeeyo cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta ku boggaadiyay dadaalada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka fulisay, isagoona danjira ku booriyay adkeynta xirirka soo jireenka ah ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo kala Diray Guddigii Doorashoyinka Qaranka Go’aan cusubna soo saaray
Next articleNin Hubaysan oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Gudaha U Galay Xero Ciidamada Kenya Daganayeen Askarna Ku laayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here