Home Wararka Maanta Guddiga Madaxabanaan ee xuduudaha oo Warbixin laga dhageystay

Guddiga Madaxabanaan ee xuduudaha oo Warbixin laga dhageystay

0

Guddiga uu hoggaaminayay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (GMXF) Mudane Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayey isaga iyo xubnihiisu la wadaageen wasiirka warbixin la xiriirta howlaha shaqo ee gudiga ay ka qabteen hirgelinta iyo horumarinta federaaleyna, soohdimaeynta maamul goboleedyada iyo degmooyinka iyo maareynta xog-dhuleedka dalka, iyada oo sidoo kale wasiirka hordhigay waxyaabaha iminka hortabinta u leh iyo sida ay doonayaan in ay u caawiso wasaaradda sidii ay gudan lahaayeen hawlaha dastuuriga ah.

Wasiirka Wasaarada Axmed Macalim Fiqi  ayaa soo dhoweeyay Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo dhawaan la doortay iyo xubanaha kale ee guddiga, waxaa uuna su’aalo ka weydiiyay arrimo badan oo hawlahooda ah isaga oo sheegay in sida wasaaraddiisa ay ahmiyad u siineyso in arrimaha xuduudaha ee khuseeya gudaha dalka iyo dalalka dariska ah, waxaa uuna dhiirigeliyey in la dedejiyo dhameystirka siyaasadaha la xiriirka xuudaha.

Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ah guddi Madaxa Bannaan oo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ,waxa ayna shaqadiisu tahay inuu dowlada Federaalka ka caawiyo calaamadaynta Soohdimaha maamul goboleedyada iyo degmooyinka, Xalinta khilaafaadyada la xiriira arimaha soohdimaha iyo Qaangaarsiinta maamul goboleedyada dalka.

Ad
Previous articleC/raxmaan C shakuur oo ka hadlay Qorsha alshabaab iyo tilaabada Dowlada looga baahanyahay
Next articleDhageyso Cumar finish oo qiray in xilka laga qaadaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here