Home Wararka Somaliya Guddiga Baaraya Askari dhawaan la dilay God qashina Lagu riday oo Maanta...

Guddiga Baaraya Askari dhawaan la dilay God qashina Lagu riday oo Maanta la kulmay Ehelka Askariga

0

Guddi Wasiiro iyo Saraakiil Amni ka kooban islamarkaana  uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay baarista dil dhawaan loo geystay askari ka tirsanaa ciidan Dowladda ayaa maanta la kulmay eheladda marxuumka sida arxaan darada ah Loo dilay.

Guddiga  loo xilsaaray baarista kiiskan waxa ka mid ah wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Alcadaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud  Qaroole.

Mas’uuliyiint ayaa si degan u dhageystay cabashada ehelada marxuum Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe iyagoo ehelada ka balan qaaday in dhacdadan oo ka hor imaanaysa Qaranimadda iyo Insaanimadaba ay si mas’uuliyad leh u baari doonaan.

Askariga ka tirsanaa Ciidamada dowladda ayaa dhawaan meydkiisa oo lagu riday God qashin waxaa laga helay meel u dhow Iskuul Bulusiya ee magaalada Muqdisho, taasi oo walaac badan laga muujiyay.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Maanta Shiray
Next articleWar deg deh Ah: Qarax ka dhacay Gaalkacyo dhanka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here