Home Wararka Somaliya Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Maanta Shiray

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Maanta Shiray

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble  ayaa xafiiskiisa Maanta  kula kulmay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyin dalka.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Wakiilada Beesha Caalamka uu Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay Warbixin la xiriirta diyar garoowga qabsoomida shirka wadatashiga doorashooyinka ee ka dhacaya Muqdisho 20-ka Bisha May.

Sidoo kale Xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay soo dhaweeynayaan shirka wadatashiga doorashooyinka, isla markaana ay taageerayan.

20-ka Bishaan May oo ku aadan Khamiista soo socota ayaa waxaa la filayaa in Magalada Muqdisho uu ka dhaco shirka wadatashiga doorashooyinka,si heshiis looga gaaro bilabiada Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay shirka amniga (Sawiro).
Next articleGuddiga Baaraya Askari dhawaan la dilay God qashina Lagu riday oo Maanta la kulmay Ehelka Askariga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here