Guddi Wasiiro iyo Saraakiil Amni ka kooban islamarkaana uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay baarista dil dhawaan loo geystay askari ka tirsanaa ciidan Dowladda ayaa maanta la kulmay eheladda marxuumka sida arxaan darada ah Loo dilay.
Guddiga loo xilsaaray baarista kiiskan waxa ka mid ah wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Alcadaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole.
Mas’uuliyiint ayaa si degan u dhageystay cabashada ehelada marxuum Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe iyagoo ehelada ka balan qaaday in dhacdadan oo ka hor imaanaysa Qaranimadda iyo Insaanimadaba ay si mas’uuliyad leh u baari doonaan.
Askariga ka tirsanaa Ciidamada dowladda ayaa dhawaan meydkiisa oo lagu riday God qashin waxaa laga helay meel u dhow Iskuul Bulusiya ee magaalada Muqdisho, taasi oo walaac badan laga muujiyay.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday