Home Wararka Maanta Golaha shacabka oo la horgeeyey Mooshin la xiriira xariga Cabdalla Muumin

Golaha shacabka oo la horgeeyey Mooshin la xiriira xariga Cabdalla Muumin

0

Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Marwo Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar ayaa shir guddoomisay Kalfdhiga 2aad kulankiisa 23aad ee Golaha Shacabka BJFS ayadoo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow

Kulanka oo ay soo xaadireen 139 Xildhibaan ayaa ajendihiisu Ahaa

1)dhaarinta Xildhibaan Dr.Xildhibaan  Maxamed Sheekh Axmed,

2)dhameystirka warbixinta aqrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka

3)kadoodista warbixinta aqrinta labaad ee hindise Sharciyeedka dhowrista maalgashadayaasha iyo maalgashiga.

Habdhowraha Golaha Shacabka BJFS Xil. Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) Ayaa dhaariyay Dr Xildhabaan Maxamed Sheekh Axmed Oo deegaan doorashadiisu tahay Hiirshabelle.

Intaasi kadib Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa guddoonka u gudbiyay mooshin ku saabsan xuriyad siinta Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS mudane Cabdalla Axmed Muumin.

Xildhibaanada ayaa sii waday dooda ku saabsan warbixinta aqrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka iyadoona doododa ku saleysneed toosin iyo turxaanbixin ku saabsan sharcigaan

Dhanka kale Xildhibaanada ayaa guda galay ka doodista warbixinta aqrinta labaad ee hindise Sharciyeedka dhowrista maalgashadayaasha iyo maalgashiga Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Ee Golaha Shacabka BJFS mudane Mohamed Shaikh nuur Osmaan iyo qaar kamid Ah xubnaha guddiga ayaa faahfaahiyay sharcigaan iyo faaidooyinka uu uleeyahay dalka iyo dadka soomaliyeed aygoona xildhibaanada ka codsaday in ay meelmariyaan si uu udhaqan galo sharcigaan.xildhibaanada ayaa isdul taagay qodbada qaar ee kujira sharcigaan waxayna sheegeen in uu muhiim uyahay dadka soomaaliyeed iyadoo doodooda inta badan ku saleysneeyd toosin turxaanbixin iyo bugaadin loosoo jeediyay Guddiga.

Ugu dambeyntii Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo shir guddoomineysay ayaa soo xirtay kulanka maanta iyadoona fartay Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya In ay ka soo talabixiyaan mooshinka ku saabsanaa xuriyad siinta Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS mudane Cabdalla Axmed Muumin oo ay soo gudbiyeen qaar kamid ah xildhabaanada Golaha Shacabka BJFS

Ad
Previous articleDagaalka Laascaanood oo xoogeystay iyo wararkii ugu dambeeyay
Next articlePuntland oo ka jawaabtay weerar ay Somaliland ku eedeysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here