Home Wararka Maanta Golaha Aqalka Sare oo kulan yelanaaya maanta ugana doodaya laba...

Golaha Aqalka Sare oo kulan yelanaaya maanta ugana doodaya laba qodob oo Muhiim ah

0

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya xaruntooda Muqdisho.

Kulankan oo ah mid muhiim ayaa lagu wargeliyay dhammaan Senatarada Golaha, ayada oo guddoonka uu ka socday inay kulanka soo xaaridaan.

Ajendaha kulanka ayaa lagu soo koobay laba qodob, kuwaas oo kala ah:1-Ansixinta Xubinta guddiga Dastuurka ee OC. 2-Ka doodista iyo wax ka baddalka Xeer-hoosaadka Aqalka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa la filayaa inay marka hore u codeeyaan xubinta guddiga dastuurka ee OC, kadibna ay ka doodaan wax ka baddelka Xeer Hoosaadka Golahaasi.

Inta badan guddiyada joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa soo diyaariya ajendayaasha, ayaga oo usoo gudbiya habdhowrka, si loo horkeeno Golaha, ugana doodo.

Kulamada Aqalka Sare ayaa haatan si caadi ah ku socdo, waxayna kulamadii u dambeeyey qaarkood la galeen xildhibaanada Golaha Shacabka, sida ka doodista miisaaniyadda 2023.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaqadiisau waxay tahay meel marinta shuruucda dalka iyo sidoo kale la xisaabtanka hay’addaha dowladda.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo shaacisay arrin murugo leh oo Al-Shabaab ay kula kaceen dagaalamayaashooda
Next articleSoomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis amni + Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here