Home Wararka Maanta Golaha ammaanka oo ballan Qaad culus u sameeyey Dowlada Cusub ee Soomaaliya

Golaha ammaanka oo ballan Qaad culus u sameeyey Dowlada Cusub ee Soomaaliya

0

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan guddiga u qaabilsan cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayaa warbixin cusub kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, kadib isbeddelkii siyaasadeed ee 15-kii May ka dhacay Muqdisho.

Guddiga ayaa sheegay in dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la shaqeyn doono, isla-markaana la yeelan doonaan iskaashi xoogan.

Warbixinta guddiga golaha ammaanka u qaabilsan cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka taageeri doonaan dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan cuuryaaminta hubka iyo dhaqaalaha ay hesho kooxda.

“Guddigu wuxuu taageersan yahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda in ay sameeyaan dadaallo kala duwan oo lagu qallajinayo dhaqaalaha Al-Shabaab iyada oo la qabanayo lacagaha lagama maarmaanka u ah howlaha kooxda. Dadaalladaas ayaa noqon doona mid wax ku ool ah oo keliya marka la helo xog-wadaag iyo wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta Dowladda Soomaaliya, Dowladaha deriska iyo saaxiibada caalamka, iyadoo la kaashanayo Guddiga Khubarada,” ayuu lagu yiri warbixinta.

Dhinaca kale guddiga ayaa walaac ka muujiyey xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo weerarada sii kordhaya ee ay fuliyaan xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Waxa kale warbixinta lagu soo qaaday arrimaha bani’aadanimada, xagdudubka ka dhanka ah carruurta iyo kufsiga haweenka ee laga soo wariyey meelo badan oo ka mid ah dalka.

Sida lagu sheegay warbixintan in inka badan 2,600 oo carruur ah ayaa loo geystay xadgudubyom sidoo kale wuxuu guddigu inuu jiro 50 kiis oo kufsi iyo noocyo kale oo xadgudubyo galmo ah oo ay geysteen Al-Shabaab, ciidanka dowlada & maleeshiyo beeleed.

Soomaaliya oo gashay marxalad cusub, kadib isbedelkii dhacay 15-kii bishii hore ee May ayaa haatan la daala dhaceyso xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay abaaraha dalka.

 

 

Ad
Previous articleFaahfaahin Dheeri oo kasoo baxaysa Qarax khasaara Xoogan gaystay oo Ka Dhacay Duleedka Matabaan
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Hambalyo udiray Dowladda jabuuti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here