Home Wararka Caalamka Golaha Ammaanka Oo Ansixiyay Qaraar Heshiis Xabad Joojin Ah Oo Ka Dhaqan...

Golaha Ammaanka Oo Ansixiyay Qaraar Heshiis Xabad Joojin Ah Oo Ka Dhaqan Gasha Qaza

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay heshiis xabbad-joojin ah oo uu soo diyaariyay Maraykanku, kaas oo looga gol leeyahay in lagu joojiyo dagaalka dhiigga badan ku daatay ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza.
Si loo meel mariyo, qaraarku wuxuu u baahday ugu yaraan sagaal cod oo taageersan mana jirto wax diidmo oo ay sameeyeen waddamada awoodda u leh inay soo jeedin kasta oo xabbad joojin ah dib ugu soo celiyaan guddiga sida US, France, Britain, China ama Russia. 14 dal ayaa aqbalay qaraarka halka hal wadan oo ah dalka Ruushka oo isaga aamusay.

Qaraarka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay hindise xabbad-joojin ah oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Joe Biden oo Maraykanku sheegay in Israa’iil aqbashay.

Waxa uu qaraarku ugu baaqayaa Xamaas inay aqbasho qorshaha saddexda waji ah,waxaana uu ku boorinayaa  Israa’iil iyo Xamaas inay si shuruud la’aan ah u aqbalaan heshiiska xabad joojinta ah.

Bishii Maarso, Shiinaha iyo Ruushka ayaa diidmada qayaxan ku diiday qaraar xabbad-joojin ah oo Gaza laga soo saaray oo ay ku sheegeen in Israa’iil ay siinayso fasax ay ku weerarto magaalada Rafah.

Maraykanka ayaa hore saddex jeer codka diidmada qayaxan ee Vetoda ku diiday saddex qaraar oo qabyo ah, oo laba ka mid ah lagu dalbanayay xabbad-joojin degdeg ah.

In ka badan 36,000 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan kumannaan haween iyo carruur ah, ayaa tan iyo markaas ay dileen ciidammada Israa’iil, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka ee Gaza.

Hogaamiyayaasha Xamaas iyo Ururka Jihaad Islaami ee Falastiin (PIJ) ayaa ku kulmay dalka Qatar si ay uga wadahadlaan heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen kadib markii wada-hadallada la soo gabagabeeyay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Ismail Haniyeh oo ka tirsan Xamaas iyo Ziyad al-Nakhalah oo ka tirsan PIJ ay yeesheen wadahadalo aan toos ahayn.

Ad
Previous articleMeydka Aways Cali ee la raadinayay ee ku lumay Minnesota oo hadda la helay
Next articleDowlada Oo Amartay In 10 Cisho Meydadka Looga Saaro Qabuuuro Ku Yaal Muqdisho