Home Wararka Caalamka Meydka Aways Cali ee la raadinayay ee ku lumay Minnesota oo...

Meydka Aways Cali ee la raadinayay ee ku lumay Minnesota oo hadda la helay

0

Waxaa gor dhow la helay meydka wiilkii yaraa ee Aweys Cali Maxamed oo lagu waysanaa saacadihii la soo dhaafay, magaalada Hopkins ee gobolka Minnesota.

Wararku waxay sheegayaan in meydka la tusay oo kaliya hooyada dhashay wiilka, iyadoo lagu wado in boolisku ay faahfaahin ka bixiyaan sababta uu u dhintay iyo sida wax u dhaceenba.

Hadda waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay geeridiisa, haddii uu si caadi ah u geeriyooday iyo haddii sabab kale jirto.

Mid ka mid ah dadka goobta meydka laga helay ku sugnaa ayaa BBC-da u sheegay in goobta meydka Aweys laga helay ay ahayd goob dhir ah.

Waxaa in ka badan muddo afar iyo labaatan saacadood ah socday baadigoobka wiilka yar oo ahaa afar jir Soomaali Mareykan ah, kaas oo lagu la’aa magaalada Hopkins oo ka tirsan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Wiilkaan yar ayaa lagu magacaabayay Aweys Cali Maxamed waxa uuna ka lumay markii hore dhismaha Chorus Apartments oo ku yaalla waddada Lake Street, qiyaastii marka ay saacaddu ahayd abbaare 7:30 subaxnimo maalinimadii Axadda.

Aweys ayaa la sheegay inuu la noolaa xaaladda ‘autism-ka’, markii ugu danbeysay ee la waayay ayay qabteen kaamirooyinka ku xirn dhismaha isaga oo feero-qaawan sidoo kalena kabo la’aan ahaa, waxa uuna xirnaa surwaal buluug ah oo kaliya.

Goobta uu ku lumay wiilka ayaa la sheegay in ay ka ag dhaweyd meel biyuhu fariistaan sidoo kalena dhir badan.

Qoyska Aweys ayaa markii ay ku baraarugeen maqnaashaha wiilkooda durba bilaabay in ay baadigoobaan waxa ayna xiriir la sameeyeen waaxda booliiska xaafadooda si ay ugu wargaliyaan maqnaasha, halkaas ayayna ka bilaabatay in si wada jir ah loo baadigoobo Aweys.

Yaa ka qayb qaatay raadinta Aweys?

Booliiska magaalada Hopkins ayaa horkacayay baadigoobka loogu jiro wiilka, waxaana sidoo kale qeyb ka ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.

Taliyaha booliiska magaalada Hopkins oo lagu magacaabo Craig Kreiling ayaa sheegay in waxyar kadib markii la waayay wiilka ay bilaabeen raadintiisa isagoo intaa ku daray in howlgalka ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha laheyn oo leh kaamirooyin, kooxada baadigoobka iyo samatabixinta oo xiran suumanka badbaadada iyo dadka xaafadda.

Kooxuhu waxa ay ku guul dareysteen helitaanka wiilka maalinimadii shalay oo ahayd markii la waayay.

Mutadawaciinta sida is xil-qaanka ah wax u qabta ayaa subaxnimadii hore maanta oo Isniin ah isugu yimid aagga xaafadda qoyska uu ka maqanyahay wiilka yar si ay uga qeyb qaataan raadintiisa.

Warbaahinta dalka Mareykanka qaarkood ayaa si weyn u tabinaya sheekada wiilkaan la la’yahay tan iyo markii la waayay, iyadoo barnaamijyo toos ah ay qaarkood baahinayaan.

Sidoo kale dadka isticmaala baraha bulshada ayaa halkaa dhigaya qoraallo iyo sawirka Aweys, iyagoo dalbanaya in laga qayb qaato sidii loo heli lahaa nolol iyo geeri ilmaha yar.

Cabdiraxmaan Mukhtaar oo ka mid ah dadka u dhaq-dhaqaaqa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa BBC-da uga waramay baadigoobka loogu jiro Aweys, waxa uu sheegay in wiilka yar ee la nool xaaladda gaar ka ah ee ‘autism-ka’ uu guriga ka dhaqaaqay aroor hore, waxaana cabsida ugu badan ay ka heysataa qoyska in wiilka uusan hadlin sidoo kalena shanqarta iyo dadka aanu garaneyn uu ka cabsanayo .

Halka uu ku dhumay ayuu ku sheegay in ay tahay meel aad looga walwalayo amni ahaan inkasta oo dadka qaar ay isla dhexmarayeen in la arkay balse aan la ogeyn halka uu ku danbeeyay waa sida uu hadalka u dhagay’e. ‘’waqtiga hadii uu sii socdo oo aan la helin halis ayuu ku jiraa wiilkaas yarka ah’’.

Mukhtaar ayaa bulshada soomaaliyeed ugu baaqay ka qeyb qaadashada baadi-doonka wiilka ‘’ilaa hadda raadinta iyo waxaa socda taakuladii qoyskaas lala garab istaagayay marka waxaan u baahanahay bulshada Soomaaliyeed maadaama baadigoobka wali socdo qofkasta oo fursad haya inuu ka soo qeyb galo oo nagala qeyb qaato howlgalkaa wiilka yarka ah’’

Booliiska iyo dadka ka qeyb qaadanaya dadaallada lagu raadinayo ilmaha yar ayaa weydiinaya qoysaska daggen aagga lagu waayay in ay arkeen wiil yar oo afar jir oo Soomaali ah.

Dadka qaar ayaa socod ku marayay wadooyinka waaweyn ee aagga jidka 169 iyo ilaa xaafadaha Excelsior Boulevard waxa ayna dadka ugu baaqayaan in ay hubiyaan guryahooda oo ay macquul tahay in uu galay Aweys.

Booliiska Hopkins ayaa dadka ka codsaday in hadii ay arkaan wiilka aysan u dhawaan oo ay wacaan Namberka gaaban ee 911

Hay’adaha caawinta iyo waaxda Booliiska ayaa si ay ka muuqato firfircooni u raadinaya 4-jirka

Booliska Hopkins ayaa sheegay in aysan joojineyn dadaalka lagu ogaanayo halka uu ku dambeyay wiilka yar ilaa ay natiijo ka helaan iyagoona galinkii danbe ee maanta aad u xoojiyay arrintaan.

Dadka ka qeyb qaadanayay baadigoobka oo toboneeyo kor u dhaafayay ayaa saaka aroor hore ku soo xaadiray xarunta dabdamiska ee Hopkins, oo ku taal aagga waddada 101 iyo dhismaha 17th

Ad
Previous articleFaahfaahin ka soo baxaysa diyaarad uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi oo la waayay
Next articleGolaha Ammaanka Oo Ansixiyay Qaraar Heshiis Xabad Joojin Ah Oo Ka Dhaqan Gasha Qaza