Home Wararka Caalamka Dowlada Oo Amartay In 10 Cisho Meydadka Looga Saaro Qabuuuro Ku Yaal...

Dowlada Oo Amartay In 10 Cisho Meydadka Looga Saaro Qabuuuro Ku Yaal Muqdisho

0

Dowlada Soomaaliya ayaa amartay in muddo toban maalmood ah loogaga saaro meydadka qabuuraha Dugsiga Booliska oo ku dhow xeebta badweynta Hindiya.
Qabuurahan oo boqolaal ruux ay ku aasan yihiin ayaa waxaa maanta tagay mas’uuliyiin ay ka mid yihin Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Somalia C/qaadir Maxamed Nuur,taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed,General Sulub,Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Banaadir iyo culimo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Shir jaraa’id oo ay halkaas ku qabteen ayay ku sheegeen in amar ka soo baxay dowladda oo lagu dalbanayo in deg deg qabuurahaas looga saaro meydadka ku aasan.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur aaa sheegay in dhulka qabuuraha ah uu ahaa dhul ay dowladu leedahay isla markaana laga dhigi doono taliska ciidamada badda iyo xeebaha Soomaaliyeed.

“Dhulka waxa uu ka soo bilaabanayaa garoonka diyaaradaha Marino Gate illaa isbitaalka Yerdemeli waxaana uu markii horeba ahaa dhul dan guud ah oo ay dowladu leedahay, haatana ay baahi badan u qabto dowladu.”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu qoysaska eheladooda ay ku aasan yihiin qabuurahaas ka gacan sii doonaan sidii ay ula bixi lahaayeen isagoo xusay in qabuurihii la waayo dadkii ehelkiisa ahaa ay iyagu ka saari doonaan.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay culimo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad.
Horaantii bishii May ee Sanadkan ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in dowladu ay u baahan tahay dhulka meydadkana laga saarayo,waxaana xilligaas laga saaray meydka allaha u naxariistee Muriidi Ajakis oo ay carruurtiisa meel kale ku aaseen.

Hase yeeshee xiligaas ayay dowladu beenisay in ay amartay in meydadka laga saaro dhulkaas.

Ad
Previous articleGolaha Ammaanka Oo Ansixiyay Qaraar Heshiis Xabad Joojin Ah Oo Ka Dhaqan Gasha Qaza
Next articleDiyaar Garow Culus oo Kasocda Soodinta Galmudug iyo Hirshabeele iyo Sarakiil Maantay Gaaray(Sawiro)