Home Wararka Caalamka Golaha Amaanka oo cunaqabateenta Hubka u kordhiyay Soomaaliya

Golaha Amaanka oo cunaqabateenta Hubka u kordhiyay Soomaaliya

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay hubka qarsoodiga ah ee ay hesho kooxda Alshabaab, taasoo ay sheegeen in ay xadgudub ku tahay cunno-qabteynta hubka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay Soomaaliya.

Golaha ammaanku waxay Isniintii u codeeyeen in muddo sannad ah lagu kordhiyo muddada xayiraadda hubka ee saaran Soomaliya, iyagoo sheegay in dhaqdhaqaaqyada xiriirka la leh Al-Qaacida ay sii wadaan inay carqaladeeyaan xasilloonida Soomaaliya.

Waxay ku booriyeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay sii waddo la shaqeynta beesha caalamka si looga hortago awoodda al-Shabaab inay abuurto dakhli loo isticmaalo ficilada argagixisanimada.

Qaraarka golaha waxaa sidoo kale walaac looga muujiyay wararka isdaba jooga ah ee ku saabsan musuqmaasuqa iyo leexsashada hantida guud ee Soomaaliya.

Golaha ammaanku wuxuu sidoo kale mamnuucay ka iibinta ama u daabulka Soomaaliya walxaha qarxa iyo Dhoofinta dhuxusha.

Bishii Janaayo 1992 Qaraarkii Golaha Amaanka ayaa cunaqabateynta hubka kusoo rogay Soomaaliya taasoo ka falcelineysay dagaalladii sokeeeye ee dalka ka socday iyo xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaaneysa.

Bishii Juun 2001 Qaraarkii Golaha Amaanka ee tirsigiisu ahaa 1356 ayaa oggolaaday in Soomaaliya laga dhaafo cunaqabateynta sahayda qalabka militariga ee aan wax dilin si loogu isticmaalo hawlaha bani’aadanimo.

Ad
Previous articleMaxay tahay Sababta Ra’isul Wasaare Rooble u gaaray Dhuusamareeb ?
Next articleQaramada Midoobe oo kordhisay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here