Qaramada Midoobe oo kordhisay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay hubka qarsoodiga ah ee ay helaan AlShabaab, taasoo ay sheegeen in ay xadgudub ku tahay cunno-qabteynta hubka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay Soomaaliya.

Golaha ammaanku waxay u codeeyeen in muddo sannad ah lagu kordhiyo muddada xayiraadda hubka ee saaran Soomaliya, iyagoo sheegay in dhaqdhaqaaqyada xiriirka la leh Al-Qaacida ay sii wadaan inay carqaladeeyaan xasilloonida Soomaaliya.

Waxay ku booriyeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay sii waddo la shaqeynta beesha caalamka si looga hortago awoodda al-Shabaab inay abuurto dakhli loo isticmaalo ficilada argagixisanimada.

Qaraarka golaha waxaa sidoo kale walaac looga muujiyay wararka isdaba jooga ah ee ku saabsan musuqmaasuqa iyo leexsashada hantida guud ee Soomaaliya.