Home Wararka Maanta Generaal Indhacadde ” Farmaajo Waa Qabyaaladiiste Ma ahan Madaxweyne Soomaaliyeed”

Generaal Indhacadde ” Farmaajo Waa Qabyaaladiiste Ma ahan Madaxweyne Soomaaliyeed”

0

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) ayaa ka hadlay dib u dhaca hareeyay arrimaha doorashada iyo abaabul ciidan oo uu sheegay inuu ka socdo magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Indha Cade oo kamid ah saraakiisha ciidanka Badbaado Qaran ayaa sheegay in dhameystirka doorashada ay u xayiran tahay oo kaliya kuraasta taala magaalada Garbahaareey, isagoo madaxweyne Farmaajo ku tilmaamat shaqsi qabyaaladdu ay ku weyn tahay, sida uu hadalka u yiri.

“Farmaajo hadii uu madaxweyne Qaran yahay 16-ka kursi ee Gedo kuma dhageen, ma aha madaxweyne Soomaaliyeed waa qabyaaladiste. Kama baqeyno oo runta ka xishoon meyno, saddex sano ayaa la taliye u ahaa waxa uu yahay oo uu ka shaqeeyo ayaa ognahay.” ayuu yiri.

Ad
Previous articleXildhibaano Hor leh oo Maantay Qaatay shahaadada Xildhibaanimo(akhriso Magacyada+Sawiro)
Next articleGuddiga doorashada Soomaaliya oo shaaciyay in lagu laabtay Kursiga Fahad yaasiin iyo kursigii jawaari loo diiday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here