Home Wararka Maanta Geesiga dadka ka badbaadiyay Al-shabaab oo xil muhiim ah loo doortay

Geesiga dadka ka badbaadiyay Al-shabaab oo xil muhiim ah loo doortay

0

Doorashada Kenya ee tirinteedu socota dadka ku soo baxay Aqalka Sare ee Soomaalida ah waxaa ka mid ah Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf Xaaji,oo laga soo doortay magaalada Gaarissa ee gobalka Waqooyi-bari Kenya.

Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka socday Xisbiga (Jubilee) waxaa la tartamay labo murashax oo kala ah Shaalle Maxamed iyo Axmed Rashiid Qoriyow, oo uu kaga adkaaday doorashadii dhacday Talaadadii aan soo dhaafnay, waxaana kursigaan uu horeyay ugu hayay Maxamed si ku meel-gaar ah kadib markii aabihii Maxamed Yuusuf Xaaji uu geeriyooday 15 -kii Febaraayo ee 2021-ka

Allaha u naxariistee aabihii Yuusuf Xaaji wuxuu sidoo kale soo noqday wasiirka gaashaandhigga Kenya intii u dhaxeysay sanadihii 2008 iyo 2013.

Geesigii Westgate

Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf Xaaji waxaa aad loo bartay sanadkii 2013-kii markii ururka Al-shabaab ay weerar dad badan ku dhinteen ku qaadeen suuqa sida weyn looga dukaamaysto ee Westgate ee ku yaalla xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi.

Wuxuu aad uga qayb qaatay badbaadintii dadkii Al-shabaab ku go’doomiyeen gudaha suuqa.

Waxaa xilligaas baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha Kenya qabsaday sawirro iyo muuqaallo uu leeyahay iyadoo lagu ammaanay doorkii uu ka qaatay soo badbaadinta dadkii gudaha suuqa ku jiray,xilli waliba dableydii weerarka gaysatay ay ku jireen gudaha.

Kama tirsaneyn ciidamada, balse sida uu sheegay waxa uu goobta u tagay xilligaas in uu soo badbaadiyo walaalkii oo ka mid ahaa dadkii ku xayirmay dhismaha.

Xilligaasi waxa sawirada ka muuqday nin bastoolad sita, dhismahana ka saaraya caruur iyo Dumar naxsan oo ku jah-wareeray weerarkii. Xilligaas waxaa lagu tilmaamay geesi kaalin wanaagsan ka qaatay.Abaal marin ayaa sidoo kale lagu siiyay qaybta uu ka qaatay samatabixinta dadkii weerarku ku qabsaday dhismaha suuqa.

Cabdulqaadir iyo Siyaasadda

Waa nin ganacsade ah oo ku cusub siyaasadda,balse qoyskiisu kuma cusba siyaasadda oo aabihii Maxamed Yuusuf Xaaji,sidaan soo xusnayba wuxuu soo noqday wasiirka gaashaandhigga,kan arrimaha gudaha,guddoomiye gobol iyo xildhibaan Aqalka sare ah.Walaalkii Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji hadda waa dacwad oogaha guud ee Kenya.

Intii uu ololaha ku jiray wuxuu sheegay in haddii la doorto uu wax badan ka qaban doono baahiya bulshada Gaarisa.

Ad
Previous articleWasiir Axmed Fiqi oo Si Rasmi ah Xilka kala Wareegay wasiir Jeneraal Mukhtaar (Sawirro)
Next articleWAR DEG DEG: Guddiga doorashada Kenya oo shaaciyey natiijo rasmi ee Doorashada madaxweynaha Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here